Madaxda Tuuniisiya Oo Sheegay Inay Caawin Doonaan Qoysaska Saboolka Ah
Hoggaamiyeyaasha waddanka Tuunisiya ayaa sheegay inay caawin doonaan qoysaska saboolka ah si ay uga kabsadaan sare kaca qiimaha nolosha kaddib dhowr maalmood oo dalkaasi ay ka dhacayeen dibadbaxyo ka dhan ah barnaamijka gunt-giiska dhaqaale.
Madaxweynaha Tuunisiya Beji Qaid Essebsi, iyo ra’isal wasaarahiisa Yuusuf Shaahid ayaa waxa ay sheegeen inay ka wada hadlayaan qaababka sare loogu qaadayo awoodda ay waxku iibsan karaan qoysaska dakhiligoodu yar yahay laguna adkeynayo kormeerida qiimaha alaabaha.
Bayaan kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maalma soo socda qorshooyin waxa looga qabanayo arrintaan loo dajin doono.
Balse dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa maalintii Jicmaha weli kasii soconayay dalkaasi Tuunisiya, iyada oo mudaaharaadayaal badan ay lulayeen kaarar jaale ah.
In ka badan 700 oo qof ayaa lasoo xirxiray intay soconayeen dibadbaxyada oo billowday horraantii toddobaadkaan.
Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.
Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.
Qaar ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa sheegay in aanayba u suuroobayn inay mushaarkooda ku noolaadaan maadaama qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabaha kalaba ay sare u kaceen.
Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.
Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu’gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo xooggan.
Madaxda Tuuniisiya Oo Sheegay Inay Caawin Doonaan Qoysaska Saboolka Ah
Madaxda Tuuniisiya Oo Sheegay Inay Caawin Doonaan Qoysaska Saboolka Ah