Taariikh Cusub Oo U Billaabantay Haweenka Dalka Boqortooyada Sacuudiga

0
Saturday January 13, 2018 - 09:59:04 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Cusub Oo U Billaabantay Haweenka Dalka Boqortooyada Sacuudiga

    Taariikh Cusub Oo U Billaabantay Haweenka Dalka Boqortooyada Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Cusub Oo U Billaabantay Haweenka Dalka Boqortooyada Sacuudiga

Dumarka Sacuudiga waxay bishan dhigayaan taariikh ka dib markii loo fasaxay in ay garoomada tagi karaan oo ay daawan karaan ciyaar kubadda cagta ah. Waa markii ugu horeysay taariikhda.

Waxay tagi doonaan saddexda garoon ee dalka ugu waawayn ee ciyaaraha lagu qabanayo.

Dumarka ugu horreeya maanta waxay tagi doonaan garoonka Boqor Fahad oo ku yaalla caasimadda Riyadh oo ay kuwada ciyaari doonaan kooxaha Al-ahli iyo Al-Batin. Waxay ku tartamayaan horyaalka koobaad ee Sacuudiga.

Dalka Sacuudiga ayaa dhowaanahan si qunyar socod ah u ogolaanaya in dumarka ay helaan xuquuq dheeraad ah taas oo jawaab u ah dalabaadka dadka u dooda xuquuqda dumarka. Hadaba muhiimad miyey leedahay tallaabadan ugu dambeysay?

Dumarka sidey u daawanayaan ciyaaraha?

Dhammaan dumarka qaangaarka ah ee aan lala socon waxaa loo ogolaaday in ay galaan saddex garoon oo ku yaalla magaalooyiin waawayn sida Riyadh, Jiddah iyo Dammaan.

Ka dib ciyaarta garoonka kubadda cagta ee Boqor Fahad, dumarka daawadayaasha waxay sidoo kale sabtida tagi doonaan garoonka Boqor Cabdallah oo ku yaalla Jiddah halkaas oo ay ku wada ciyaari doonaan Al-Hilal iyo Al-Itixaad.

Ka dib, Khamiista 18ka bishan, Garoonka Amiir Maxamed Bin Fahad ee magaalada Dammaam, waxaa ku wada ciyaari doono Al-Itifaaq iyo Al-Faysali, halkaas oo dumarka ay ka mid noqon doonaan daawadayaasha.

Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu isbuucan marti gelin doonaa tartankii ugu horeeyay ee dumar ay wada ciyaaraan.

Bishii Nofembar ee 2017kii, dalka wuxuu qabtay tartanka dumarka ciyaaraha kubadda koleyga ee jaamacadaha ka socda. Waxayna ku ciyaareen magaalada Jiddah, waxaa daawaday in ka badan 3,000 oo dumar.

Kooxdii ugu horeysay ee gabdhaha kubadda koleyga ee Sacuudiga waxaa la aasaasay 2009kii.Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionKooxdii ugu horeysay ee gabdhaha kubadda koleyga ee Sacuudiga waxaa la aasaasay 2009kii.

Halkey dumarka fariisanayaan marka ay kubadda cagta daawanayaan?

Waxay ciyaaraha ka daawayn doonaan qeybo si gaar ah loogu diyaariyay haweenka iyo qoysaskooda. Taasi micneheedu wuxuu yahay in dumarka tagaya garoomada ay la fariisan doonaan caruurta ayna ka fogaanayaan ragga.

Waxaa sidoo kale la calaamadeeyay goobaha loo diyaariyay dumarka aysan la soconin nin ka mid ah qoyskooda.

Dumarka waa in ay xirtaan cabaayad adag marka ay ciyaaraha daawanayaanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionDumarka waa in ay xirtaan cabaayad adag marka ay ciyaaraha daawanayaan

Maqaayadaha ku dhexyaalla garoomada ayaa sidoo kale kuraas gooni ah loogu diyaariyay haweenka.

Inta ay meelaha dad waynaha ku sugan yihiin dumarka ama ay ciyaaraha daawanayaan waa in ay xirtaan cabaayado aan jirkooda ku dheganayn iyo xijaab, haddii ay Muslimiin yihiin.

Maxaa sababay isbedelkan cusub?

Tallaabada waxay qeyb ka tahay isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaas oo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka.

Ujeedada waxay tahay in xuriyad dheeraad ah la siiyo dumarka Sacuudiga, kuwaas oo muddo ku soo jiray shuruuc si adag loogu xakameynayay. Bishii Sebtembar ee 2017kii, waxaa dumarka laga qaaday xannibaaddii ahayd in aysan gawaari kaxeyn karin.

Isla bishaasi, dumarka waxaa markii ugu horaysay loo fasaxay ka qeybgalka maalinta qaran ee Sacuudiga.

Fannaanadda u dhalatay Lubnaan, Hiba Tawaji ayaa bandhig faneedkii ugu horeeyay ee dumar ku qabatay magaalada RiyadhLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionFannaanadda u dhalatay Lubnaan, Hiba Tawaji ayaa bandhig faneedkii ugu horeeyay ee dumar ku qabatay magaalada Riyadh

Sannadkii tagay, Sacuudiga wuxuu ku dhawaaqay in uu xayiraadda ka qaadayo shineemooyiinka oo la joojiyay 30 sano ka hor. Waxaa la filayaa in shineemada ugu horeysa la furo bisha Marso ee sannadkan.

Bishii Desembar, kumannaan haween ah ayaa ka qeybgalay bandhig faneedkii ugu horeeyay ee qof dumar ah ay ku qabato Sacuudiga.

Xilliyadii hore, goobaha madadaalada iyo ciyaaraha waxaa loo ogolaa ragga oo keli ah.

Haddaba, maxaa wali mamnuuc ka ah haweenka Sacuudiga?

Waxaa jiro waxyaabo badan oo haweenka Sacuudiga aysan sameyn karin iyagoo fasax aan ka haysan ragga masuulka ka ah.

Waxaa ka mid ah:

  • Codsiga in ay baasaboor hesho

  • U safaridda dibadda muxrim la’aan

  • Guurka aan waalidka fasixin

  • Furashada akoon bangi

  • Billaabidda xarumo ganacsi

  • In qalliin gaar ah lagu sameeyo

  • In xabsi laga siidaayo

Dhammaan xannibaadahan waxay qeyb ka yihiin hannaanka ilaalinta iyo masuuliyadda Sacuudiga, taas oo sidoo kale ay qabto diinta Islaamka.

Hannaankaasi waxaa ka mid ah in haweeneyda uu nin raaco marka ay guriga ka baxayso kaas oo ka ilaaliyana dhibaatooyiinka ay la kulmi karto.