Dowladda Tunisia oo wada dadaalo ay ku qancinayso dibad baxayaasha

0
Sunday January 14, 2018 - 10:07:36 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Tunisia oo wada dadaalo ay ku qancinayso dibad baxayaasha

    Dowladda Tunisia oo wada dadaalo ay ku qancinayso dibad baxayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Tunisia oo wada dadaalo ay ku qancinayso dibad baxayaasha

Madaxwaynaha dalka Tunisia ayaa maanta galinka dambe lagu wadaa in uu booqdo dagmooyiinkii dhawaan ay ka dhaceen dibadbaxyada.

Madaxwayne Beji Caid Essebsi ayaa khudbad ka jeedin doona degaanka Ettadhamen oo ka tirsan caasimada dalkaasi ee Tunis.

Dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in 70 milyan oo doolar oo dheeraad ah ay ku bixin doonto caawinta qoysaska uu yar yahay dakhliga soo gala.

Arrintan ayaa imanaysa maalma un kaddib markii ay dalkaasi oo dhan ka dilaaceen dibadbaxyo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska dhaqaalaha.

  1. Dibad baxyo ka dhacay dalka Tunisia
  2. Yahya Jammeh iyo madaxda kale ee lagu eedeeyay in ay dheceen hanti
  3. Akhwaan Muslimiinta oo ku soo noqday doorashada Urdun

Xisbiyada mucaaradka ayaa waxay ku baaqeen dibadbaxyo dheeraad ah maanta oo Axad ah.

Mucaaradka ayaa waxa ay ku doodayaan in dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ka jirtay tan iyo intii xukunka laga tuuray madaxwaynihii hore Ben Cali aan wali la xalin dhibaatooyiinkaasi.

Dalka Tunisia ayaa ahaa wadankii ay ka billaabmeen dibadbaxyadii loogu magacdaray Guggii Carabta.

Dibadbaxayaasha reer Tunisia ayaa ka cabanaya maciishada oo qaali ah iyo canshuuro cusub oo ay dowladda dalkaasi soo rogtay.