Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Madaa'hib Diiniya Oo Yemen Iyo Kooxaha Xag-jirka Ahi U Soo Waaridayaan Somaliland.

0
Monday January 15, 2018 - 11:02:48 in by salman abdi
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Madaa'hib Diiniya Oo Yemen Iyo Kooxaha Xag-jirka Ahi U Soo Waaridayaan Somaliland.

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Madaa'hib Diiniya Oo Yemen Iyo Kooxaha Xag-jirka Ahi U Soo Waaridayaan Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Madaa'hib Diiniya Oo Yemen Iyo Kooxaha Xag-jirka Ahi U Soo Waaridayaan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay inuu Bulshada Somaliland fikir Diimeed oo khaldani uu kaga imanayo Kooxaha Xagjirka ah oo qaarkood dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

 

 

 

 

Wasiir Khaliil waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ka nabad-gashay Dagaal Diimeed, balse Qoxootiga Somaliland ka soo galaya dhanka Yemen ay qaarkood wataa Fikir Diiniya oo ka duwan ka Bulshada Somaliland, arrintaasina saamaynteeda leedahay, sidaasi darteed ay Wasaarad ahaan ka shaqaynayaan sidii Arrimahaa looga gaashan malahaa.

 

 

 

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo Shalay ansixiyey Wasiirro uu ku jiro, ayaa yidhi "Dalku wuu ka nabadgalay iska hor-imaad Diimeed, hasa-ahaatee Dagaalka Fikirka Diimeed ee ka dhanka ah Manhajka dhexdhexaadka ah ee Ahlu Sunna Wal-jamaaca, gaar ahaan Mad-habta imaamu shaafici oo Bulshada Somaliland ku abtirsato, kaasi oo innagaga imanaya Dalalka aynu jaarka nahay ee Dagaalladu aafeeyeen oo Qoxooti badan ka soo qul-qulayaan, sida Dalka Yemen, kuwaasi oo qaarkood wataan Aragtiyo ama Mad-habyo ka duwan teena, sida Shiicada, kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo ka farcamay Al-qaacida, kuwaasi dhaqdhaqaaq Colaadeed ka wada Buuralayda bari ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland..”

 

 

 

 

Ugu dambayn, Sheekh Khaliil wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan bilaabayaan Wacyi-gelin lid ku ah Cunista Qaadka iyo Maandooriyeyaasha ay ka mid yihiin Khamriga iyo Xashiishadda oo uu sheegay inay dhallinyarada Somaliland ku faafayso.