Moorada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qabatay Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Masaxaada Lagu Tirtiraayo Taarikhdiisa Oo Ka Socota Meelo Badan.

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:54:35 in by salman abdi
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Moorada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qabatay Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Masaxaada Lagu Tirtiraayo Taarikhdiisa Oo Ka Socota Meelo Badan.

    Moorada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qabatay Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Masaxaada Lagu Tirtiraayo Taarikhdiisa Oo Ka Socota Meelo Badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moorada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qabatay Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Masaxaada Lagu Tirtiraayo Taarikhdiisa Oo Ka Socota Meelo Badan.

maalin kadib caleemo saarkiisa ayuunbay ahayd markii madaxweyne Muuse Biixi uu soo saaray wareegtadii ugu horeysay oo ku magacaabayo golahiisa Wasiirada.

Waxa markiiba liiska laga waayay Wasaarado mug iyo miisaan ugu fadhiyay Qaranka balse aan micno weyn ugu fadhiyin Madaxweyne Muuse Bixi, waxana ugu horeynba Madaxweynaha cusub Ay mooradu ka qabsatay Ex-wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi taasi oo keentay in gebi ahaanba la tirtiro, meeshana laga saaro Wasaaradihii uu xilalkooda ukala danbeeyay ee Ex-wasiir Maxamuud Xaashi soo maamulo,

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Moorada madaxweyne Muuse Biixi kuma ay koobnaan kaliya cidhibtirta Wasaaradihii CVga ugalay Ina -Xaashiye waa ay sii socotay Mooradu waxaanay qabatay in marlabaad meesha laga saaro qof kasta oo shaqaale dawladeed ah balse loo tuhmayay in Maxamuud Xaashi shaqada keenay,

 

 

 

Waxaanay taasi dhalisay in inkabadan 109 shaqaale oo ubadan dhalinyaro ka shaqaynaysay Wasaarada Madaxtooyada hadh cad loo badheedho lagana dareeriyo madaxtooyada laguna wargeliyay in shaqada laga eryay,

 

 

 

Ujeedada ugu weyn ee shaqaalahaasi meesha looga saaray may noqon saluug ama sagsaag laga muujiyay shaqada ay kahayaan Madaxtooyada manay noqon aqoondaro lagu tuhmay balse ujeedada ugu weyn ee galaafatay inay shaqadooda seegaan ayaa noqotay in laga uriyay Ina-Xaashi inuu shaqada keenay ama ay waqtigii uu wasaarada joogay soo shaqo galeen.

 

 

 

 

Moorada Madaxweyne Muuse Biixi ee kuwajahan Ex-Maxamuud Xaashi kuma eekaan intaasiye waxa ay dib umilicsatay Wasaaradii uu baabiiyay ee afarsano kahor Maxamuud Xashi Wasiirka ka ahaa ee duulista iyo hawada, waxaana sidii kadhacday madaxtooyada si lamida shaqada looga caydhiyay shaqaale tiro badan oo aan waxba galabsan balse loo tuhmaayay uun in shaqada ay soo galeen waqtigii Ina-Xaashi wasiirka ka ahaa goobtaasi.

 

 

 

Wali lama fahmin waxay ay micida Madaxweyne Muuse Biixi uhaysato Ex-wasiir Maxamuud Xaashi ee uu ku tirtiraayo CVgiisa taariikheed iyo goobahii uu kasoo shaqeyay, marka laga reebo tartanka uu ex-Maxamuud Xaashi ugu jiro inuu ku hanto kursiga ama jagada labaad ee uu hayo Madaxweyne Muuse Biixi ee ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, taas oo dadbadani aaminsan yihiin inay tahay halka laga qaniinsan yahay Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

 

 

 

 


 


 

 

 

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee bulshada Somaliland kuwooda caqliga saliimka ah usaaxiiba waxay hadeer si waafiya ufahmeen halka ay sartu ka qudhuntay iyo sababta keentay in wasaarado gaara la masaxo isla markaana shaqaalahoodii sabab la,aan looga caydhiyo shaqadii ay ka hayeen goobahaasi.

"Nin Gu, Kaa Weyni Garaad Kaa Weyn”