Qaxooti Soomaaliyeed oo mar kale dib ugu laabanaya xeryahay Dhadhaab

0
Tuesday January 23, 2018 - 10:42:26 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti Soomaaliyeed oo mar kale dib ugu laabanaya xeryahay Dhadhaab

    Qaxooti Soomaaliyeed oo mar kale dib ugu laabanaya xeryahay Dhadhaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxooti Soomaaliyeed oo mar kale dib ugu laabanaya xeryahay Dhadhaab

Waxaa Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya dib ugu laabanaya mar kale Qaxooti Soomaaliyeed oo horay si iskood ah dalka dib ugu soo laabtay, balse haatan bilaabay in ay xeriyihii ay ka tageen dib ugu laabtaan kaddib markii ay u adkeysan waayeen nolosha Soomaaliya.

Boqolaal Qaxooti ah ayaa dib ugu laabtay Xeryaha Dhadhaab kuwaas oo haatan la soo sheegayo in ay heeysato xaalad cakiran oo dhanka nolosha ah si ay qaxootigaas qaarkood ay qirteen.

Qaar ka mid ah dadkaas oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in soo wajahaday nolal adag islamarkaana ilaa iyo hadda aysan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.

Sidoo kale wax ay sheegeen in habeen iyo maalin ay banaanka jiifaan islamarkaana aysan jirin cid haatan garabsiisa.

Sikastaba badankooda dadkaas waxa ay ku laabanayaan Xerada Qaxootiga ifo 2 ee dalka Kenya si ay uun noloshooda u maareeyaan.