Weerar lagu qaaday xarunta Save The Children ee Afghanistaan

0
Wednesday January 24, 2018 - 12:46:37 in by salman abdi
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaaday xarunta Save The Children ee Afghanistaan

    Weerar lagu qaaday xarunta Save The Children ee Afghanistaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar lagu qaaday xarunta Save The Children ee Afghanistaan

Inta la xaqiijinayo Illaa 11 qof ayaa ku dhaawacantay weerar la sheegay in uu wali ka socdo gudaha xarunta Save The Children ee dalka Afghanistaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu qaraxa uu ka dhacay xafiiska hay'adda ee magaalada Jalalabad ee Afghanistaan, kadibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta.

Carruur ayaa la sheegay in ay ka baxsanayaan iskuul u dhow xarunta, kaddib markii ay maqleen qaraxyo waaweyn oo halkaa ka dhacaya.

Lama oga cidda weerarka geysatay, balse inta badan waxaa magaaladan weerar ku qaada kooxda Taliban, wuxuuna weerarkan imanaya xili shalay Taliban ay weerar ku qaadeen hotel casri ah oo ku yaala magaalada Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 22 qof.

Ragga gudaha ku jira ayaa waxa uu dagaal dhexmarayaa illaalada hay'adda iyo ciidammada amniga.