Qaar Ka Mid Qodobada Ay Xukuumada Somaliland Qorshaynayso Inay Ku Xaliso Sicir Bararka Oo Soo Shaac Baxay.

0
Friday January 26, 2018 - 12:03:58 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Qodobada Ay Xukuumada Somaliland Qorshaynayso Inay Ku Xaliso Sicir Bararka Oo Soo Shaac Baxay.

    Qaar Ka Mid Qodobada Ay Xukuumada Somaliland Qorshaynayso Inay Ku Xaliso Sicir Bararka Oo Soo Shaac Baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Qodobada Ay Xukuumada Somaliland Qorshaynayso Inay Ku Xaliso Sicir Bararka Oo Soo Shaac Baxay.

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qorshaynaysa inay dhawaan ku dhawaaqdo go’aano xal lagaga gaadhayo sicir bararka aafeeyey nolosha bulshada somaliland.


Warar laga helay saraakiil ka tirsan baanka dhexe ee somaliland iyo shirkadaha isgaadhsiinta ayaa xaqiijiyey qaar ka mid ah qodobada ay xukuumadu qorshaynayso inay ku xaliso sicir bararka.Madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan sheegay inay si deg deg ah ugu dhawaaqi doonaan go’aanada ay xukuumadiisu ka gaadhay sicir bararka ayaa sheegay in qodobadaasi ay noqon doonaan qaar xal waara lagaga gaadhayo dhibaatada saamaysay bulshada.

Qodobada ay xukuumadu qorshaynayso inay wax kaga qabato sicir bararka ayaa waxa ka mid ah:-

1.in adeegyada Zaad iyo Edahab oo ay maamulaan shirkadaha Telesom iyo Somtel lagu samayn doonaan xadidaad lagu soo rogayo lacagaha layskugu diri karo iyada oo aan loo ogolaan doonin in lagu diro lacag ka badan $100, halka aan wax xadidaad ahna aan lagu soo rogi doonin lacagta lagu isticmaalo mobile-ada ee shilinka somaliland.

 

2. In Baanka dhexe ee somaliland uu la wareegi doono awooda kaydinta lacagta doolarka taas oo markii hore ay maamuli jirtay wasaarada maaliyadu, iyada oo baanka dhexe uu awood u yeelan doono dhaq dhaqaaqa sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada somaliland.

3. In la joojin doono shirkadaha ka shaqeeya dhinaca sarifka lacagaha qalaad, iyada oo awooda sarifkana uu yeelan doono baanka dhexe ee somaliland.

4. In la kordhiyo cashuuraha laga qaado shirkadaha wadanka soo galiya qaadka.

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shirkii jaraa,id ee ugu dambeeyey ku sheegay in maalmo kooban ay xukuumadu ku shaacin doonto go’aamada ay ka gaadhayso sicir bararka aafeeyey bulshada somaliland gaar ahaan danyarta, iyada oo bulshadu filayso in go’aamadaasna ay xukuumadu sidooda ugu fuliso cid kasta oo ay khusayso.