Shirka Madaxda Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa iyo Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalaya

0
Sunday January 28, 2018 - 10:05:30 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxda Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa iyo Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalaya

    Shirka Madaxda Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa iyo Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Madaxda Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa iyo Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalaya

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka furmaya shir madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika, kaas oo ay ka qaybgelayaan inta badan madaxda Midowga Afrika.

Shirkan madaxda ka qaybgeleysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo xalay ku hoyday Magaalada Adis ababa.


Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri

"Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qaybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.