Cabashooyin Is Biirsaday Oo Kasoo Yeedhaysa Shirkada Dayib Ee Lagu Wareejiyay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Magalada Burco Iyo Baaqyda Ku Socda Madaxwaynaha

0
Tuesday January 30, 2018 - 10:24:59 in by salman abdi
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabashooyin Is Biirsaday Oo Kasoo Yeedhaysa Shirkada Dayib Ee Lagu Wareejiyay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Magalada Burco Iyo Baaqyda Ku Socda Madaxwaynaha

    Cabashooyin Is Biirsaday Oo Kasoo Yeedhaysa Shirkada Dayib Ee Lagu Wareejiyay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Magalada Burco Iyo Baaqyda Ku Socda Madaxwaynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabashooyin Is Biirsaday Oo Kasoo Yeedhaysa Shirkada Dayib Ee Lagu Wareejiyay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Magalada Burco Iyo Baaqyda Ku Socda Madaxwaynaha Dadka Danyarta Ee Nolalmaalmeedkooda Ka Raadiya Qalidda Xoolaha Iyo Iibinta Hilibkooda, Ee Ku Dhaqan Magalada Burco Ayaa Sida Fiinta Uga Qayliyay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Loo Xidhay Dad Gaar Ah,

Dadkani Ka Ganacsada Iibinta Hilibka Xoolaha Ayaa Mudaharado Kale Duwan Maalmihii Udanbeeyay Ka Dhigaayay Magalada Burco Oo Ay Kaga soo Horjeedaan Kawaanka Lagu Qalo Xoolaha Oo Ay Ku Shageen In Gacantii Dawlada Ay Ka Baxday Oo Ay Dad Gaar Ah U Xidhantahay Kawaanka Xoolaha Lagu Qalijaray,

Waraaq Kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Hore Axmed Silaanyo Oo Soo Baxday Sanadkii 2017 Ee Lasoo Dhaafay Ayaa Tilmaamaysay In La Siyay Dad Gaar Ah Oo Ku Shuraakoobay SHirkada Lagu Magacaabo Dayib,Taas Oo Dadkii Danyarta Ahaa ee Ka Ganacsan Jirtay Hilibka,Ku Noqotay Laf Dhungashay Oo Sababtay In Meelo Ka Baxsan Kawaanka Lagu Qalo Xoolaha,













Bilihii Udanbeeyay Ayaa Waxa Soo ifbaaxday Mudaharado Iyo Cabashooyin Kale Duwan Oo Kasoo Yeedhaysay Dadkii Kawaan Ku Qali Jiray Xoolaha Oo Sheegay, Inay Kale Kulmeen Xaalado Adag Oo Ay Ka Mid Tahay In Hilibkii Xili Aan Haboonaynan La Qalayo ,Lacag Dheeraad ah Oo Laga Qaado Iyo Goob U Xidhan Shakhsiyaad Gaar ah Oo Xili La Doono Albabada U Laabaya Kawaanka,

Hoyooyinkan Danyarta Ayaa Baaq Dheer Oo Kale Duwan U Diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Ay Ka Codsadeen Inay Karamadiisa Iyo Amarkiisaba Ku Soo Celiyo Kawaanka Xoolaha Burco Oo Ay Sheegeen In Madaxwaynuhu Soo Ceeliyay Dhulal Badan Oo Dawlada Laga Saaray Gacanteeda,

Hoyooyinkan Oo Ay Ka Muquutay Duurafo Badan Oo Sababtay Inay Bacad Iyo Goobaha Dawlada Hortooda Ka Mudaharadaan Si Dawlada Gacanteeda Lagu Soo Ceeliyo Kawaankii Dawlada Hoose Maamuli Jirtay Ee Dadkani Kamanafacsan Jireen Oo Hada Ka Dhacday Meel Dheer Oo Aanay Ka Qabin Rajo Aan Amarka Madaxwaynaha Ahayn.


Si Kastaba ahaate Oo Hoyooyinkan Ayaa Ka Warsugayaa Madaxwaynaha Somaliland Iyo Xukumadiisa In Ay Soo Ceeliso Rajadooda Ku Aadan In Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo U Soo Galo Gacanta Dawlada Oo Ay Maamulaan.