Xukuumadda Oo Indhaha Ka Lalisay Qodobka Ugu Weyn ee Sababay Sicir-bararka iyo Qiima Dhaca Shillinka Somaliland

0
Wednesday January 31, 2018 - 11:10:50 in by salman abdi
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Indhaha Ka Lalisay Qodobka Ugu Weyn ee Sababay Sicir-bararka iyo Qiima Dhaca Shillinka Somaliland

    Xukuumadda Oo Indhaha Ka Lalisay Qodobka Ugu Weyn ee Sababay Sicir-bararka iyo Qiima Dhaca Shillinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Oo Indhaha Ka Lalisay Qodobka Ugu Weyn ee Sababay Sicir-bararka iyo Qiima Dhaca Shillinka Somaliland

Xukuumaddu kamay hadlin dollarka sida joogtada ah dalka uga baxa ee ay dhoofiyaan sherkadaha qaadka iyo DP World
Hargeysa (afka shacabka)-Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkan soo saartay go’aamo ay sheegtay inay hoos ugu dhigayso sicir bararka isla markaana ay kor ugu qaadayso qiimaha shilinka Somaliland.


Go’aamada ay xukuumadda Somaliland soo saartay ayaa saamaynayay sherkadaha waddaniga ah ee Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar oo ay xukuumaddu sheegtay inay kala noqoynayso ogolaanshaha sarrifka isla markaana uu bangiga dhexe yeelan doono awoodda dejinta sarrifka.
Sidoo kale adeegyada Zaad iyo E-dahab ee lagu isticmaalo moobilada Telesom iyo Somtel ayaa ay xukuumaddu ku amartay in laga saaro wixii ka yar saddex lambar, isla markaana aan lagu isticmaali karin wixii 100 dollar ka yar.
Labadaas qodob ayay dadka dhaqaalaha falanqeeyaa ku sheegeen kuwo saamayn ku leh sicir bararka isla markaana laga yaabo inay xal u noqoto kor u kaca qiimaha shilinka Somaliland oo halkii ugu hoosaysay gaadhay, maadaama joojinta isticmaalka dollarka wixii ka yar saddex lambar ay kor u qaadayso isticmaalka shillinka Somaliland.
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaan wax go’aan ah ka soo saarin lacagta dollarka ah ee dalka dibada uga baxda isla markaana u baxda dhinaca Itoobiya, maadaama sida ay ganacsatada jaadku sheegeen in Itoobiya ku diiday inay lacagta birta kaga iibsadaan qaadka isla markaana ay ku qasban yihiin inay ku iibsadaan lacagta dollarka.
Arrintan ayaa qaybka ah dollar yarida dalka soo wajahaday muddooyinkii u dambeeyey taasoo sicirbararka qayb weyn ka qaadatay.
Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaan wax qodob ah ka soo saarin lacagta ay sherkadda DP World u xawisho dibadda oo iyaduna dollar ah, taasoo sidoo kale saamayn ku leh sicir bararka iyo dollar yarida suuqyada sarrifka.
Dadka dhaqaalaha faaleeya ayaa labada tallaabo ku sheegay kuwo ka mid ah xidida sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka Somaliland, waxaase la eegayaa tallaabada ay xukuumadda Somaliland qaado maalmaha soo socda ee xakamaynta sicir bararka.