"Waxa Jira Shaqaale Qoran Oo Aan La Hayn Meel Ay Ku Sugan Yihiin" Gud. Sharmarke Gelle

0
Thursday February 01, 2018 - 17:02:58 in by salman abdi
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Jira Shaqaale Qoran Oo Aan La Hayn Meel Ay Ku Sugan Yihiin" Gud. Sharmarke Gelle

    Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Faahfaahiyey Halka uu Marayo Madax taabashadii ay wadeen muddoyinkii u danbeyey Waxanu qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Faahfaahiyey Halka uu Marayo Madax taabashadii ay wadeen muddoyinkii u danbeyey Waxanu qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku yidhi sidan:

Muddo laga joogo 10 maalmood ayaa si rasmi ah loo bilaabay diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa iyada oo wejiga labaad loo sii gudbi doono gobollada iyo degmooyinka kele ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray hawshaas diiwaangelinta isaga oo madaxweynuhu ka hadlay ujeeddada ay xukuumaddu ka leedahay oo ah in la helo tirada iyo xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda isla markaana la qorsheeyo sidii loo tayayn lahaa.

Haddaba muddo toban cisho ayay hawlwadeennada hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Khubarada kala shaqaynaya hawshaasi ay si fiican u wadeen diiwaangelinta laga soo bilaabo 7da subaxnimo ilaa 2da duhurnimo oo aan kala go’ lahayn. Muddadaas 10 ka maalmood ah waxa la diiwaangeliyay shaqaalaha xarumaha kala ah:

  1. Madaxtooyada
  2. Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  3. Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda
  4. Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
  5. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga
  6. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta
  7. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga
  8. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
  9. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
  10. Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  11. Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Oo maanta la bilaabay)

 

Maalmaha soo socdana waxa aanu rajaynaynaa in la dhamaystiro inta hadhay xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan.

Waxa intii hawsha diiwaangelintu socotay waxa si hufan oo loo hubinayay magacyada, shahaadooyinka iyo kaadhadhka aqoonsiga si loo hubiyo in uu qofku yahay muwaadinkii hore u helay shaqada. Waxa kele oo muddadaas tobanka cisho ah soo if-baxayay tiro shaqaale ah oo ilaa hadda aan la hayn meel ay ku sugan yihiin horena ugu jiray xaashida mushahar bixinta dawladda. Sidaas si la mid ah waxa soo baxay dad ku mushahar qaadanayay darajo aany u qalmin halka qaar kelena ay ku mushahar qaadan jireen darajo aanay xaq u lahayn aqoon ahaan, xirfad Ahaan iyo waayo-aragnimo ahaan midna.

Marka hawsha madaxtirintu dhamaato waxa halkaas ka abuurmi doona shaqo abuur iyo dib u sixid xagga darajooyinka ah.

Diiwaangelinta waxa kele oo garab socotay booqashooyin kedis ah oo hawl-wadeenno ka tirsan hay’adda shaqaaluhu ay ku tegayeen wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee kala duwan si loo hubiyo in shaqaalaha u diiwaangashani ay shaqada ku jiraan iyo in kele.

Waxa sidoo kele iyaguna jiray booqashooyin kuwaas ka duwan oo qaar ka mid ah hawl-wadeennadu ay kulamo kula yeelanayeen Agaasimayaasha guud iyo agaasime waaxeedyada cududda shaqaalaha iyo maamulka iyaga oo waraysiyo ku saabsan shaqaalaha ay halkaas ula yeelanayeen, taas oo qayb ka ah hawshan tirinta iyo tayaynta shaqaalah ee socota.

Waxa aanu u mahadnaqaynaa masuuliyiinta dawladda iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda sidii wanaagsanayd ee ay noola shaqeeyeen intii hawshaasi ay socotay. Waxa kele oo aanu mahadnaq u jeedinaynaa hawladeennada gacanta ku haya diiwaangelinta ee sida hagar la’aanta ah ugu shaqaynaya dalkooda iyo dadkooda.

Wejiga labaad ee diiwaangelintu waxa uu noqon doonaa gobollada iyo degmooyinka dalka taas oo si rasmi ah loo shaacin doono xilliga uu bilaabmayo iyada oo wasaarad iyo hay’ad kastaba halkeeda loogu tegi doono oo lagu soo diiwaangelin doono.

 

Ilaahay baa mahad leh

 

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Jamhuuriyadda Somaliland


Image may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and laptopImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people sittingImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: one or more people and phoneImage may contain: 1 person, smiling, sittingNo automatic alt text available.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoor