Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Shacabka oo lugeynaya

0
Thursday February 08, 2018 - 09:32:20 in by salman abdi
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Shacabka oo lugeynaya

    Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Shacabka oo lugeynaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran iyo Shacabka oo lugeynaya

Magaalada Muqdisho maanta waxaa xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah,waxaana dadka ay ku lugeynayaan jidadka iyada oo uusan gaadiid jirin.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka qaar iyadoo waliba meelo koontaroollo kaliya ahaa hadda lagu gooyay dhagxaan iyo Biro waaweyn oo ay qasab tahay in laga leexdo.


Inta badan Waddamada Maka Al-Mukarrama ayuu gaadiidka ka go’an yahay iyada oo sidoo kale waddada wadnaha iyana sidaas oo kale tahay.

Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa isku dayaya in ay barmuudeyn ku maraan xaafadaha hayeeshee waxaa taas hor istaagay dhagaxyada lagu jaray jid xaafadeedyada Magaalada Muqdisho inteeda badan yaalla.

Madaxweyne Farmaajo doorashadisii ayey sanad ka soo wareegtay maanta,waxaana waxyaabihii uu ku ololeeyay ka mid ah in aan waddooyinka laga xiri doonin shacabka,taas oo uu sheegay in haddii ay dhacdana noqoneyso awoodda dowladda oo shacabka lagu caburiyo.

Laakiin hadalkaas mid ka duwan ayaa maanta ka muuqda Magaalada Muqdisho,waxaan shacabkii sanad ka hor maanta oo kale dabaaldegayay wali sugayaan dhaankii uu hoggaamiyay Madaxweyne Farmaajo.