UNICEF oo codsatay $ 17 milyan si dib loogu dhiso xarumaha caafimaadka ee Ciraaq
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa Arbacadii codsatay deeq lacageed oo dhan $ 17 milyan si ay uga gacan geysato dib u dhiska xarumaha caafimaadka ee Ciraaq, ka hor shirwaynaha caalamiga ah oo lagu taageerayo dib u dhiska wadanka Ciraaq oo todobaadka nagu soo aadan ka dhacaya Kuwait..
Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 750,000 oo carruur ah aynan haysan adeegyada aas-aasiga ee la xariira caafimaadka ee gobolka Mosul, todoba bilood ka dib markii kooxda isku yeerta khilaafada islaamiga ee ISIS laga saaray magaaladaasi.
UNICEF ayaa ku tiri hadal qoraal in ka yar 10 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Mosul ee gobolka Nineveh ayaa shaqeynaya, waxaana ka jirta xaalad daran, iyada oo intaas ku dartay in xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada ay muhiim u yihiin dadka barakacay ay guryahooda ku soo noqonaya.
Ururada bani'aadamnimada ayaa sheegaya in qiyaastii 2.6 milyan oo qof ay weli barakacayaan, laba bilood ka dib markii Ciraaq ay ku dhawaaqday guushii ay ka gaartay kooxda argagaxisada oo ku dhawaad saddex meelood dalka ka mid ah qabsaday sanadahii 2014 iyo 2015.
Dawlada Ciraaq waxay sheegtay in ay u baahan tahay ugu yaraan $ 100 bilyan oo gargaar si dib loogu dhiso guryaha , ganacsiyada iyo kaabayaasha ay ku jiraan xarumaha saliidda iyo isgaarsiinta.
UNICEF oo codsatay $ 17 milyan si dib loogu dhiso xarumaha caafimaadka ee Ciraaq
UNICEF oo codsatay $ 17 milyan si dib loogu dhiso xarumaha caafimaadka ee Ciraaq