Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Isla Qaatay In Turkiga laga Beddelo Dalka Martigelinaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
Sunday February 11, 2018 - 14:59:24 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Isla Qaatay In Turkiga laga Beddelo Dalka Martigelinaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Isla Qaatay In Djibouti Noqoto Dalka Martigelinaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Isla Qaatay In Djibouti Noqoto Dalka Martigelinaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isla gartay in kulanka koowaad ee lagu furayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

 

Sida ay xogahani tibaaxeen labada Madaxweyne waxa ay isla garteen in kulanka koowaad oo la filayo inuu qabsoomo bisha March ay goob-joog ahaadaan, waxaanay wada hadal la sheegay in loo kala dab qaaday ka dib ay isla garteen in Djibouti noqoto dalka furaya wada hadalka hakadka galay.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo la sheegay inay isla garteen inaan Turkiga lagu koobin martigelinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, maadaama oo aanay wada hadaladii Turkiga lagu qabtay waxba ka soo bixin. Fikirkan oo la sheegay inuu watay Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka warwareegay laakiin uu aakhirkii aqbalay. Markaas waxa ay Djibouti noqon doontaa dawladda bedeli doonta dawladda Turkiga.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa aaminsan inaanay dawladda Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maadaama oo ay dawladda Turkigu aad u taageersantahay una ololayso fikirka midnimada Somaliland iyo Somaliya. 

Laakiin dawladda Djibouti lafteeda ayaa si cad u aaminsan wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya ee burburtay sannadkii 1991-kii, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhawr munaasibadood ka cadeeyay aragtidiisa, wuxuuse ku ladhaa in mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya uu u yaalo dadka Soomaalida ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii u horeeyay wuxuu ku tagay dalka Djibouti oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhawaan safar ku tagay dalka Djibouti oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmay sannadkii 2012 oo ahayd markii uu Mdaxweyne Siilaanyo laba sannadood talada hayay; ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laga reebo shirar labada wefti dhex mara iyo heshiisyo la saxeexo oo u muuqda in miiska wada hadalka lagaga yimaado.