Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Ururka ONLF Oo Wada-hadallo Uga Furmeen Magaalada Nairobi+SAWIRO

0
Sunday February 11, 2018 - 16:24:59 in by salman abdi
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Ururka ONLF Oo Wada-hadallo Uga Furmeen Magaalada Nairobi+SAWIRO

    Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda Kulan hishiis hor dhac ah oo dhaxmaray jabhada ONLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda Kulan hishiis hor dhac ah oo dhaxmaray jabhada ONLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya,

Wada hadallada oo ahaa kuwo maalmihii aynu soo dhaafnayba u socday labada dhinac ayaa qodobadii leysku raacay waxaa ka mid ahaan in la qabto shirweyne laga soo wada qeyb-galo islamarkaana lagu dhameystiro hishiis si rasmi u dhaxmara ONLF ee nabada qaatay iyo Dowladda Itoobiya kaasoo lagu balamay in lagu qabto dalka Itoobiya.

Wafdiga ka socday dhinaca Itoobiya oo ka koobnaa Mudane Abdi Mohamoud Omar, General Gabre Dilla, General Damise, General Gabre,

Wafdiga ka socday dhinaca jabhada ONLF Abdirahman Mahdi (Arimaha Dibada) Ahmed Yasin Dhiraane, Cibaado Hirsi Mahad, Sulub Abdi Ahmed,

Dhanka Dowlada Kenya Oo Ah mida dhigtay gogosha wada hadalka waxaa ka socoda Mudane Senator Yusuuf Haji, Governor Ali Bunow, Yusuf Hassan, waxaa kaloo goobjooge ka ah wada hadalka Mudane Sheekh Ibrahiim Abdula,