Mike Pence Mareykanka Diyaar ayuu u yahay wadahadalo uu la galo K/Woqooyi.

0
Monday February 12, 2018 - 10:24:51 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mike Pence Mareykanka Diyaar ayuu u yahay wadahadalo uu la galo K/Woqooyi.

    Mike Pence Mareykanka Diyaar ayuu u yahay wadahadalo uu la galo K/Woqooyi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mike Pence Mareykanka Diyaar ayuu u yahay wadahadalo uu la galo K/Woqooyi.

Madaxwayna ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay in Mareykanka ay diyaar u yihiin wadahadalo ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.

Tani waa isbadal muhim ah oo ku yimid mowqifkii Mareykanka ee ku aadanaa Kuuriyada waqooyi.

Horey waxa ay maamulka madaxwayne Trump ay si cad u sheegi jireen in aysan wax wadahadalo ah la galayn hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ilaa uu ka muujinayo in uu ka talabaxay barnaamijkiisa Niyukleerka.

Balse madaxwayna ku xigeenka Mareykanka oo dib uga soo laabtay ciyaaraha olambikada ee xilliga qaboobaha ee uu ka qaybgalay ayaa waraysi uu siiyay wargayska Washington Post Mr Pence waxa uu sheegay in uu Mareykanka rajaynayo in wadaxaajood aan shuruudo ku xirnayn uu la galo xukuumada Kuuriyada Waqoyi.

Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay sii wadi doonaan in ay cunaqabtayn adag ku soo rogaan Pyongyang, balse haddii ay doonayaan wadahadal ay Maraykanka diyaar u yihiin.

Madaxwayne Moon ayaa Mareykanka u xaqiijiyay in Kuuriyada wuqooyi aysan faa'ido dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed midna aysan ku hali doonin wadahadlada.

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in faa'idooyiinkaasi ay imaan karaan oo kali ah haddii xukuumadda Pyongyang ay qaado tillaabooyiin la taaban karo oo ku aadan barnaamijka Niyukleerka.