Xildhibaan Abibakar Cilmi Good oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in ...
madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle aanu dhexdhexaad ka noqon Karin qaddiyadda Somaliland iyo Somalia, islamarkaana aaminsan yahay fikradda Somalia ee ah in ay mar kale isku noqdaan Somaliland iyo Somalia.
"Wada hadalladaasi wax wax ku dhalayaan ama wax ka soo muuqdaan maaha waayo? Waddanka qabanaya ma dhexdhexaadba? Meel aanay waxba ka dhalayna in wakhti lagu lumiyo maaha, in wada hadallo aan ubucda taabanayn oo guud wakhti lagu lumiyaana waa dhibteeda,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Good oo intaasi raaciyay in ay haboon tahay aqoon yahannada Somaliland in ay majaraha u qabtaan doodda ugu macquulsan ee Somaliland la shir tagayso, kana bilaaban qancinta dalalka dariska ah sida: Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
"Siyaasadda gooni isu taagga ah reer Jabuuti marnaba ma taageersana waxay taageersan tahay Soomaaliweyn, Ismaaciil-na maaha nin qarsada mawqifkiisa nin meel ka laba labeeyana maaha laakiin, isagu Soomaaliweyn ayuu aaminsan yahay,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka oo sheegay in darisnimada, wada dhalashada Jabuuti iyo Somaliland iyo arrinta siyaasaddu kala gaar yihiin.
Xildhibaan Good waxa kale oo uu dhalliilay sida Madaxweyne Muuse u qaybiyay xukumaddiisa "Ilaa hadda sida ay wax u socdaan dadku aad bay uga yaaban yihiin, ama jeegaan ha yidhaahdo ama_ in uu dadka Madaxweyne u wada yahayba ma moodid waxaanad mooda in uu dadka qaar ilaabayba, in uu xagga dambe wax ka soo wado mooye sida hadda xaalku yahay mid loo bogay maaha,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Good.
Geesta kale xildhibaanku waxa uu sheegay in aanay gobollada galbeedka Somaliland mar kale aqbali doonin in doorashada wakiillada lagu galo saamigii 13 Kursi ay ku lahaayeen, waxaanu madaxweynaha ku boorriyay in uu isticmaalo go’aankii adkaa ee uu hore u sheegtay, islamarkaana si waafiya u qaybiyo golaha wakiillada.
Dawladda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ay bisha dambe wada hadallada Somaliland iyo Somalia ka furmi doonan dalka Jabuuti, waxaana halkaas isku arki doona Madaxweyne Muuse iyo dhiggiisa Farmaajo. Wada hadalladii hore oo 8 wareeg gaadhay, islamarkaana socday 2012 ilaa 2015 ayaan wax horumar ah laga gaadhin, islamarkaana ma ay hirgelin qodobadii lagu heshiiyay.
Daawo:"Jabuuti Soomaaliweyn Bay Aaminsantay,"Xil Abokor Good Oo Dawlada Jabuuti Ku Eedeyey In ay Dhex dhaxaad ka ahayn Wadahadalada
Xildhibaan Abibakar Cilmi Good oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in ...