Daawo:Xukuumadii Hore Waxay Lunsatay Dhaqaalihii Loogu tallo Galay Biyo Galinta Dalka

0
Monday February 12, 2018 - 16:21:48 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xukuumadii Hore Waxay Lunsatay Dhaqaalihii Loogu tallo Galay Biyo Galinta Dalka

    Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Hor Tegay Goolaha Wakiilada Somaliland Kana Warbixiyey Mashruuca Biyo Balaadhinta Ee Hargeisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Hor Tegay Goolaha Wakiilada Somaliland Kana Warbixiyey Mashruuca Biyo Balaadhinta Ee Hargeisa

Wasiirka wasaarada horumarinta biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in aanu jirin mashruuci biya balaadhinta caasimada Hargeysi.

Waxaanu sheegay in mashuurcani xukuumadii tan ka horeysay ay siyaasadeysay, sidoo kale waxaa uu xusay in 14 ceel hal kilomitir laga wada qoday taasina ay tahay ta keentay in meesha ay ka baxdo biyihii ay dadku sugayeen

Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi "Dad badan waxaa loogu dhigay inay biyaha cidi diidan tahay, bulshadeenana si khaldan ayaa wax loogu sheegay, 14 ceel ayaa ka qodan 1-km iyo laba boqol oo Km, ceelkastana ugu yaraan waxaa uu u baahan yahay 800-km, inuu ceelka ka kale u jiro, 14-kaa ceela laba ceel awoodooda ayay noqonayaan, odhan maayo meesha biyo ma jiraan laakiin waa in aqoon danbe iyo ceelal danbe in dib looga fikiro sida loo wadi karo, markaa waala siyaasadeeyay biyahaa Xunba-weyne, oo ah si aan aqoontu taageerayn, iyada oo aanay biyoba jirin ayaa dadka lagu jaha wareeriyay ma xagan ayay ka baxeysaa mise xagan”