Saraakiisha ANC oo Zuma ka dalbaday in uu iscasilo

0
Tuesday February 13, 2018 - 11:11:15 in by salman abdi
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha ANC oo Zuma ka dalbaday in uu iscasilo

    Saraakiisha ANC oo Zuma ka dalbaday in uu iscasilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ANC oo Zuma ka dalbaday in uu iscasilo

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob zuma ayaa la sheegay in loo qabtay muddo 48 saacadood gudahood ah in uu isku casilo, waxaa sidaasi baahiyay bahisay warbaahinta dowladda ee SABC.

Saddex iyo tobon saacadood ka dib markii uu kulanka billaabmay ayaa waxa tiro ah gawaarida raaxada ay ka ambabaxeen hotel ay saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC ay uga wadaxaajoonayeen mustaqbalka Zuma.

Qofna hadal ma jeedin kulanka ka dib , balse warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in kulankaasi si rasmi ah loogu go'aansaday in laga dalbaday madaxwaynaha in uu iscasilo.

Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in Mr Zuma uu ogoladay in uu iscasilo balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.

Mab'da ahaan wuu iska dhagatiri karaa dalabka xisbiga ee ah in uu xilka ka dago , balse taasi waxa ay horseedi kartaa in codka kalsoonida ay u qaadaan baarlamaanka taasi oo caddayn karta kala qaybsananta xooggan ee xisbiga dhexdiisa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda u arka jahwareerka ka dhex jira ANC in uu yahay mid aa micno badan ku fadhin.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Economic Freedom Fighters horeyna u ahaa hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee ANC Julius Malema, ayaa kulanka saraakiisha xisiga ANC ay yeesheen ku tilmaamay mid aan faa'ido lahayn.

Waxa uu ku eedeeyay xisbigiisi hore in ay isku dayayaan in ay badbaadiyaan nidaam musuqmasuq .

Hogaamiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ee Democratic Alliance, Mmusi Maimane, ayaa dhankiisa ku eedeeyay xisbiga ANC in aysan dhab ka ahayn dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika ayaa waxa uu wajahayaa dacwado la xiriira musuqmaasuq waxa uuna in muddo ah ku adkaysanayay mowqifkiisa ah in uusan xilka ka dagin.