Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ' Waa Qalinkii Sakariye Cabdikariim Maxamuud

0
Wednesday February 14, 2018 - 12:09:33 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ' Waa Qalinkii Sakariye Cabdikariim Maxamuud

    Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ' Waa Qalinkii Sakariye Cabdikariim Maxamuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ' Waa Qalinkii Sakariye Cabdikariim Maxamuud

Siyaasada Xisbiyada iyo Xukuumadihii kala Duwanaa Ee Soo maray dalkeena Somaliland waxay Intooda badani ahaayeen kuwo aanay Dhallinyaradu ku lahayn Door wanaagsan Oo Muuqda Waxaana jiray Dabaro Sharci Oo Horyaalay dhallinyaro badan Oo leh Hibo Hogaamineed Oo ay ku badali karaan Aragtida Siyaasadeed Ee Maanta Ka jirta dalka Waxaana Sabab U ahaa Xeerarka Qarankeena Oo aan U Ogolaanayn Inay dhallinyaradu kamid Noqdaan Golayaasha kala Duwan Ee Qaranka yadoo La Eegayo Da'adooda.

Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada SomalilandMudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Oo Dhallinyarada U Balan qaaday Inuu Wax kabadal iyo Kaabis Ku Sameynayo Dastuurka dalka kana mid noqon doonaan Golayaasha Siyaasada Haddii Uu ku guuleysto Doorashadii Madaxtooyada Ee dalka ka dhacday Sannadkiii 2010 kii Oo Uu Kaga guuleysta labadii Xisbi Qaran Ee Xilligaa La tartamayey Oo kala ahaaXisbigiiUdubEe Uu HogaaminayeyMadaxweynihii hore Ee Dalkeena Mudane Daahir Rayaale KaahiniyoXisbiga UcidOo Uu HogaaminayeyGudoomiye Mudane Faysal Cali Waraabe.

Sannado ka dib guushii Xisbiga Kulmiye Uu gaadhay Doorashadii Madaxtooyada Wuxuu Soo dhisay Gole Wasiiro Oo Ay ka dhex muuqdaan Dhallinyaro yadoo Uu Madaxweynuhu U magacaabay inay ka hawlgalaan Qeybaha kala Duwan Ee Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawlada

Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada SomalilandMudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Abaal baanu ugu haynaa Fursadihii Uu Siiyey Dhallinyarada Ee Ay kaga Qeyb galeen Golayaasha Deegaanada Ee gobolada dalka iyo Xilalkii Qaranka Ee Uu U Magacaabay Mudadii Uu Xilalka Hayey Taariikhduna Wey Xusi doontaa

Dhallinyarada dalka Ee Xilalka hayey looguma Dhiibin Saami qabiil Iyo Sooc gaar Beeshooda Loo siiyey Ee Waxay ku heleen Mudnaan Uu Madaxweynihii hore Siinayey Dhallinyarada dalka laakiin Kamay Abaal celin Taasuna waxay Noqotay In Magicii Dhallinyaradu Uu Noqdo Mid Sumad U ah Musuq Maasaq iyo Wax is daba Marin Ay Sameeyeen Dhallinyaradii Xilalka Loo Magacaabay

Isbadelada Siyaasadeed Ee ka jira dalkeenu Waxay Saameyn Toosa ku yeesheen dhallinyaradii Ku jirtay Xisbiyada Iyo Xukuumada Ee laga Sugayey Inay Yagu Saameyn ku yeeshaan Oo Ay abuuraan isbadalo Syaasadeed Oo ka duwan kan Maanta Balse Waxay Dhaxleen Xirfadihii iyo Xeeladihii laga Bartay Casharadii Musuq Maasaqa Ee Ay ka Tageen Siyaasiyiintii dalkani Soo maray

Qoraalkani Qalin daar Umuugeysan Xil joogayaashan Xilalka Qaranka Ugu Magacaaban Dhallinyarada dalku Xaq baynu U leenahay inaynu Dhaliilno Haddii ay garan waayeen waxay Tahay Shaqadoodu Ama aynu Taageerno haddii ay Sameeyeen Wax horumara Intii Ay Xilalka Qaranka Hayaan

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Jamhuuriyada SomalilandMudane Sharmaarke Axmed Maxamuud geeleWuxuu kamid Yahay Dhallinyarada Xilalka Qaranka Ugu Magacaaban Saamiga dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Xilkan Kumuu Helin Saami qeybsiga Beeshiisa Ee Waxaa Loogu Magacaabay Inuu Qaranka iyo dhallinyaradaba Si daacada Ugu shaqeeyo

=> Xil Magacaabistii Ugu horeysay Ee Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland

Dareenka Kumaan Kamida Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Ee qalinjabiyey Jaamacadaha dalku Waxay ka warsugaan Maalmaha Lagu Jiro Munaasibadaha Qalinjabintooda Sida Madaxweynaha Qaranka iyo Masuuliyiinta Dawladu Tixgalin gaara Usiinayaan Aqoonyahanka dalka Usoo baxay Markay Ugu Tagaan Xafiisyadooda Ama ay U sameeyaan Barnaamijyo Shaqo abuur loogu Sameynayo Dhallinyarada dalka.

Munaasibad Balaadhan Oo Loo sameeyey Arday ka Qalinjabinaysay Jaamacada Camuud Ee Ku Taala Magaalo Madaxda gobolka Awdal Ee Boorama Oo Uu kala qeyb galay Munaasibada Qalinjabinta Ardayda Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada SomalilandMudane Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo)iyo Wafti balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Uu kamid ahaa Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Madaxtooyada Ahna Hadda Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee WaddaniMudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

Waxaana Caado ah In Arday kamida Ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadaha Somaliland Uu Ku hadlo Afkooda waxaa Ardayda Jaamacada Camuud U hadlay Gudoomiyaha Haayadaha shaqaalaha SomalilandMudane Sharmaarke GeeleOo Markaa Kamid ahaa Ardaydii ka qalinjabinayey Jaamacada wuxuuna Noqday Ardaygii Ugu Horeeyey Ee Ka qalinjabiyey Jaamacadaha dalka Ee Munaasibadiisi Qalinjabintiisa lagu Siiyey Shaqo Qaran Oo Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Ahna Hadda Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee WaddaniMudane Xirsi Cali Xaaji XasanUu U magacaabay Inuu NoqdoXoghayihiisa gaarkaAh yadoo Markii Danbena Wasiirkii Hore Ee Wasaarada MadaxtooyadaMudane Maxamuud XaashiUu U magaacabay14-12-2015Inuu Noqdo Xoghayaha Golaha Wasiirada Isagoo Iminka ah Gudoomiyaha Haayada shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland

=> Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Musuq Maasaqa Shaqooyinkii Qaranka

Gudoomiyaha Haayada shaqaalaha jamhuuriyada Somaliland wuxuu ku dhawaaqay Intii Uu Xilkan Hayey Inay Dawladu Shaqeysiinayeso Dhallinyarada dalka Ee ay shaqa la’aantu heysato Waxaana Barnaamijka Shaacinta shaqo abuurka lana daahfuray Laba goor Haddaba waxaa Isweydiin Mudan yadoo Ay jiraan Duruufa badan Oo heysta dhamaan dhallinyarada ku Nool gobolada Somaliland Miyey Shaqooyinkan U helaan Si Cadaaladi Ay kamuuqato Yaase Soo Kala xula guuleystayaasha Hela Shaqooyinkan la baahiyey

1.Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Ee Shaqo doonka ah Sidee loogu Soo kala Xulaa Shaqo bixinta Haayada Shaqaalaha yadoo aan la sheegin Cida Soo kala Saartay ?

2.Yaa soo diyaariya Imtaaxanada Laga Qaado dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Ee Doonaya Inay helaan shaqooyinka Qaranka ?

3.Maxay Haayada Shaqaaluhu Usoo bandhigtaa Shaqooyin aan lahayn Boosas loogu Hagaago ?

Weydiimahan Maynaan helin wali warcelintoodi laakiin waxaynu Wada ognahay In Imtaxaanada loo fadhiisanayo Ee Ay dhallinyaradu galayaan aanay ahayn kuwo Si dhaba loogu Soo kala baxo Shaqooyinka Qaranka waana mid kamida Musuq Maasaqyada Uu Gudoomiyaha Haayada shaqaaluhu U geysatay dhallinyarada Reer Somaliland Ee Shaqo doonka ah

Qaar kamida Dhallinyarada Somaliland Ee kasoo kala Safray Gobolada dalka yagoo ku rajo weynaa inay helaan shaqadan Ee aan heysan Dhaqaale ay kusoo galaan Safaradan dhaadheer Marka dadaalkoodi laga dhigo Mid Cid gaara lagu Raali galinayo Sow taasi Maaha Mid kamida Sababaha ay dhallinyaradu U galayaan Geediga Tahriibka?

Madaxweynaha Jamhuuriyada SomalilandMudane Muuse Biixi CabdiWaxaan leenahay Horumarka dhallinyaradu Waa Yadoo laga Faa’ideysto Kumanaanka aan Qaranimada ka dooranayn guul wadeyn iyo Wax isdaba Marin

Alla Mahadleh

Sakariye Cabdikariim Maxamuud