Tallo Soo Jeeddin Ku Waajhan Dad Weynaha Gobalka Maroodi_Jeex Oo Ka Dhann Ah Golaha Deeggaanka Ee Gobalka Maroodi_Jeex.W/Q:Garyaan Abdiraxmaan
Waxa Aynnu Ogsoonahay In Golehanni Yahay Golihii Ugu Liitay Ee Soo Mara Gobalka Maroodi_ Jeex , Kunna Caan Baxay Xil Guddosha La,Aan Musuq,Fadhiidnimo,Faro Madhnaanan Aynnu Ka Jooggno Dhulkii Danta Guud Ee Ay Masuuliyaddu Ka Saarnayd Ee Aynnu U Dooranay Ilaalintoodda ,Qorshayntoodda Iyo Dayactirkoodda,
Mudadda Shanta Sanno Ka Baddan Ee Ay Xafiiska Jooggeenna Maalin Aan Ka Dhaafin Cashuurta Hooyadda Bacadka Fadhidda Ee Tamaandhadda Iyo Waxa La Hal_Maal Iibinaysa Si Ay Noloshoodda Ugu Kafayso Caruurta Ay La Rafaad Santahay Korin Toodda Ee Ka Araddan Baahiyihii Aasaasigga U Aha Nolosha Ee Ay Xaqa Ugu Lahaayeen Dawladooddu In Ay U Damaanad Qaado, Sidda Biyaha, Waxbarashadda,
Caafimaadka, Garoomo Ay Ku Ciyaaraan, Kunna Niyad Sann Cashuurta Ay Bixinayso
Rajonna Ka Qabta In Dib Looggu Soo Celiyo Oo Wax Looggu Qabto,Lkn Nasiib Darro Damiir Laawayaasha Ina Hor_Jooggaa Ay Ku Fushaddaan Dantoodda Gaaar Ahaanayd , Dhaadanaynna Dhamacdda Ay Colooshoodda Ku Keydinayaan.
Kuwanni Waa Gafanayaal Dhiigii Inagga Miirtay Muddo Ka Baddan Shan Sanno Oo Ku Tallo Galay In Aynna Goror Inaggaga Taggin Rabanna In Ay Inaggu Dhaganaaddaaan Ilaa Iyo Inta Ay Inagga Fuuqsanayaan Kabadda Ugu Danbaysa,
Dad Weynaha Gobalka Maroodi_Jeex Ee Sharafta Baddan Aynu Mid Is Waydiinno, Sheekheenna,Shariifkeenna ,Dhalinyaraddeenna,Haweenkeenna,Ganacsataddeenna,Iyo Siyaasiyiinteenuba Waynu Ogsoonahay Oo Waynu Ka Dharagsanahy Musuq Maasuqa Baahsan Ee Ka Jira Dawladdeena Hoose Oo Dhamanteen Waynu Qirsanahy In Ay Yihiin Kuwii Ugu Liitay Ee Abid Caasimadda Soo Mara Oo Ah Muraayadda Dalka ,Maxaynnu Ugu Hadli Waynay Oo Aynnu U Diidi Waynay Oo Aynu Uga Gilggilan Waynay Foolxumaddaa Maalin Walba Horteenna Ka Dhacaysa,Maxaynnu Hur’is Kagga Odhan Waynay Waraabayaasha ,Maxaynnu Iskagga Fujin Waynayn Gafanayaasha, Maxaa Inagga Dilay Damiirkii Iyo Garashaddii Noolayd.
Waxa Aynnu Nahay Dad Ay Qabyaalladdi Dishootay Oo Ay Maskaxddii Ka Gumaysatay Oo Ay Ka Dishay Damiirkii Noollaa Ee Samaanta Looggu Hiilin Jiray Ee Xumaanta Laggu Hor Joogsan Jiray,Gumaysigga Cadawga Ah Ee Kugu Soo Duulla Ee Xoog Kugu Qabsadda Ee Kugu Muquuniya,Waxa Ka Xun Kan Maskaxdda Laggaa Gumaysto ,Hadda Waxa Aynu Ku Jirmaa Gumaysi Qabyaaladdeed Oo Darbiyo Dhaadheer Inaggu Kala Xidhay Waa Ka Ina Badday In Kuwii Shalay Ina Cunay Maanta U Sacabatunno Oo Dalacsiino, Waa Ka U Sababta Ah Nacas Nimadda Ah In Aynu Isku Reer Hebel Baannu Nahay Ku Difaacno Kuwa Ina Cunay Ee Curyaamiyay Horumarkeennii Iyo Hiigsigeenii Dawladnimo,Waanna Ka Halkaa Ina Dhigay, Waa Ka U Suuragaliyay Gafana Yaashanni In Ay Dhiigga Inagga Miirtaan Inagga Oo Arkayna Ee Aynnu La Nahay Awood Aynu Iskagga Fujino.
Maanta Tallada Aan Idiin Hayaa Waxa Weeye In Aynu Jabino Deyrka Qeybtiisa Kowaad Ee Qabyaalladda Inagga Oo Ka Faa,Idaysanaynna Nidaamka Dimuqraadiga Ah Ee Dalkaannu Ku Dhaqmo Oo Awoodd Shacabka U Siinaaya In Ay Doortaan Masuuliyiinta Ku Matalaysa Golayaasha Kala Duwan Marka Ay U Garan Waayaanna Xilka Ka Qaadaan, I
Nagga Oo Ka Duulaynna Qodobka 29’aadee Dastuurkeenna Ee Tilmaamaya Kala Diridda Golaha Waxa Aynu U Baahanahy 5.000″ Shan Kun” Oo Qof Oo Iska Diwaan Galiya Maxkamadda Goblka Oo Saxeexa In La Kala Diro Golaha Deegaanka Ee Gobalka Maroodi_Jeex, Haddii Aynu Tallaabaddaa Qaadno Oo Cid Inagga Hor Joogsan Kartaa Jirin La Fulin Waayo Rabitaanka Shacabka Mudaharaadyo Salmi Ah La Iskugu Soo Baxo.
Haddii Aynu Tallaabaddaa Ku Guulaysanno Waxa Ay Noqon Doontaa Tallaabo Taariikhdda Gobalka Ku Suntan, Waxaynna Hormoodd U Noqon Doontaa Kac_Ddoon Shacab Oo Laggaga Soo Horjeedo Galayaasha Deegaanka Ee Gobaladda Dalka Oo Dhan, Waxaynu Tusaalle U Noqon Doonaa In Lagga Xoroobo Qabyaalladda Ina Daashatay Oo Dad Weynuhu Isku Tashan Karaaan Oo Xuquuqdoodda Si Isku Mid Ah U Dhacsan Karaan Iyagga Oo Aan U Habranayn Isku Reer Hebel Baanunahay,Waxayna Soo Afjari Doontaa Masuuliyiinta Sidda Isku Halaynta Ah Ugu Tagg_Rifala Awoodda Iyo Hantidda Guurtadda Iyo Ma Guurtadda Ah Ee Aynnu U Dhiibanay.
Dadka Loo Baahan Yahay In Ay Arinkan Ka Hawlgalaaan Oo Dadaal Dheeraad Ah Ku Bixi Yaan Waa Dhalinyaradda Oo Tallo Maanta La Taallo.
Garyaqaan Abdirahman Jama
Khartun/Sudaan
Tallo Soo Jeeddin Ku Waajhan Dad Weynaha Gobalka Maroodi_Jeex Oo Ka Dhann Ah Golaha Deeggaanka Ee Gobalka Maroodi_Jeex.W/Q:Garyaan Abdiraxmaan
Tallo Soo Jeeddin Ku Waajhan Dad Weynaha Gobalka Maroodi_Jeex Oo Ka Dhann Ah Golaha Deeggaanka Ee Gobalka Maroodi_Jeex.W/Q:Garyaan Abdiraxmaan