Qaybtii 18 aad sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Wednesday February 14, 2018 - 12:36:56 in by salman abdi
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 18 aad sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Qaybtii 18 aad sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 18 aad sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Maydhane. Waar iminka maxaad tidhi ma qunyar socodka Garxajis sheego. Waar niyaw waan ka yabbaal sanahay anigu Muuse. Ma Ninkan Kaadariyiintii Kulmiye kadinka ka soo xidhay ayaa Waddani hadh u jiidaya? Horta bahasha lacagta ah siduu ku yahay? In uu Bakhel yahay ayaan u mallaynayaa. Waar anigu saacadan dib ayaan uga booday oo waxaan ku eegayaa sida uu yar yarkaa aqoon yahanka sheegtay uu ka yeello. Mooge. Yar yar may ahayne Rag waaweyn oo kaligood Garxajis ah ayey ahaayeen, warqad afar bog ah ayey u qoreen Madaxweynaha ayaa igu maqaallo ah, oo ay kaga hadlayaan biyaha iyo Baadkaba. Maydhane. Waar anaga biyaha Hargeisa waxba nagama geline, ninku muxuu dee meesha ku hayaa? Kuwaas waraaqda soo malmaluuqay way ka dhacsan yihiin Dunidaba. Waxay ahayd inay aayahooda iyo lafahooda ka hadlaan aduunku waa Maslaxada naftaada. Walahi kaalintaasi way banaantahay hadana la iskuma halayn karo Muuse. Mooge. Horta inay wax kaa si yihiin mar qudhaata Madaxweynaha lagaa maqli maayo hungurina waa ku hayaa. Adigu ma naftaada ayuun baad Waddani u ahayd iyo sidii aad wax ugu heli lahayd? Maydhane. Hadaa yaa Dan guud ka shaqeeya? Dadkuba waa ila wada mid uune. Waar na dhegayso waa ninka. Ruuxa Galla Badweyneey Beriguna ka dheer yahayeey. Hadii lagugu Beeggoo Rabi kuu bidhbidhiyo. Ma ka bixin lahayd sheegeey? Mise Inan Rag weeyoo ileen lama malleeyee. Uma barrane hay nicineey Uma barran , iga boggo. Uma barrane hay nicineey. Mooge. Waar na dhegayso waanu is garanayney inay sidan ku danbaynaysee. Ruuxa galla Badweyneey Isagoon Dabbaal barraneey. Hadii aan ku soo baxoo Rabi ii bidhbidhiyo Rabi ii bidhbidhiyo. Baal kama marreeneey. Waan ka bixin lahaayoo Birmad baan u noqon laa. Birmad baan u noqon laa Biyo dhacaaga ii sheegeey Ha la baqan Uma bogin. Biyo dhacaaga ii sheegeey. Ka soco sxb , oo warkaaga cadee niyaw? Kolba bad ayaad iska gelaysaa adigoo dhuflada tuullooyinka uun Dabaal ka yaqaana. Maydhane. Waar Runtu ma fantaa? Waxaan is leeyahay Mooge wuu ku lug goyn doonaa oo waan kaa yara shakisanahay oo wataynu dee is ogayn. Mooge. Anigu dadka ma lug gooyo. Aqooni meel ay i dhigto mooyee. Adiga laakiin waxaan xasuustaa Nin Reerkayaga ah oo Qaad walle ahaan jiray, oo la odhan Jiray Ina Dhamac. Ninkaas ayey Oramadu ku odhan jireen" Dhamac maqashee Khasaartee, Aragtee Dhimatee. Marka adigaan kugu xasuustaa iyo magacan aad xiijisay oo aan weligii lagu macaashin. Markaa hawraartu maanta waa. Mr G maqashee khasaartee. Aragtee dhimatee. La soco Qaybaha danbe........? Qalinkii Ibraahim (Xabbo)