Qaybtii 20 aad Sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Thursday February 15, 2018 - 12:18:54 in by salman abdi
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 20 aad Sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Qaybtii 20 aad Sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 20 aad Sheekadii Mooge iyo Maydhane Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Maydhane. Waar niyaw anaga ha isku kaaya kalla gurina Reer Kulmiyaw anaga waa isugu kaaya mid Dawladii hore iyo tan cusubiye waa in aad soo cadaysaan arinta biyaha iyo Shirkadan labada nin ku qorran yihiin. Mooge. Horta ma Shacabka Somaliland mise Xisbiyada Mucaaridka? Maydhane. Midba ama Kalla Miyo. Mooge. Shacabka Somaliland waanu soo hordhigi doonaa xaqiiqda dhawaan. Haday Xisbi Mucaarid noqoto Xisbiga Ucid ayaanu ulla xaali karnaa Xisbi Mucaarid. Waayo? Isaga waxaa u kalla soocan Qaranimada Somaliland iyo wixii gudaheena Saxid u baahan. Waar adiga Maydhanaw sawtaynu isku ogayn in aan Madaxweynaha kuu soo balamiyo? Maydhane. Waar niyaw kolba qaar ayaa na hor dhigaaya kubad, dabadeedna aniga oo Laad ku Tuwaaliyey ayuun baan is arkayaaye. Ka fursan mayso in aan la kullano Muuse Biixi Cabdi. Mooge. Waar maxaad la kulmi , waxaan kuugu taag la,ahay inaad tidhaa" Madaxweynaha Somaliland" Miyaad u aqoonsanayn horta? Maydhane. Waar taas ma shakibaa ka jira in uu maanta Madaxweyne yahay? Si uu doonaba ha ku noqdee. Sawnagan rabna in aan soo afjarno Mashruuca kalla qaybsanaanta Somaliland. Mooge. Waar Somaliland kalla qaybsani ma jirtee idinkaa waxaas isugu sheekeeyee. Dumarkan iyo Caruurtan aad beenta u sheegtay uun ka saar beenta. Adiga Pin Numberka aad ku xidhay garanaayee inader ka furra masaakiinta. Maydhane. Niyaw waxaan ka baqayaa inay wuxu Rumaystaan Mashruucan fidinta Jeegaanta iyo Ruxruxashada Dawlada. Waar ka saari maynee horta nalla heshiiya. Anagaa ayaamo gudahood kaga yeedhsiin doona Somaliland ha noollaato Muusena ha noollaado. Mooge. Anagu maxaanu kugu la heshiinaa? Ma lacag baa lagu kalla qaataa xagayaga? Waar waatii Faraqayo madhaa. Oo kimistayo go,daa inaannaan weligayo fijaan ka cabin Xukuumada, wixii idinku aad bahasha Saydh seydhinayseen. Maydhane. Waar hadaa maxaa idinka qaylisiiyey? Anaga oo mucaarid ah ayaaba waxayagu isa isu kaaya saarnaayeene. Maxaa si ahaa inader? Mooge. Anaga waxayagu waa mabda,a iyo inaanu ka sii shaqayno Mustaqbalka caruurtayadee , cunto maalin la cuno kamaanu fikirayninba. Maydhane. Waar anagaa howshaa ka soo dhallaalayna hadii aad sida Raga noolla hadashaan. Oo aad wax noo sheegtaan. Mooge. Waar miyaanad Imaanba lahayn oo aanad ka fikirayn Mustaqbalka ciyaalkeena. Maydhane. Waar anaga naga iibso Iimaanka iyo Mustaqbalka aad sheegaysaba. Labadaba noo Cash/ kaash garree. Xageenu la qabanaa Iimaanka iyo Mustaqbalka anagu? Yaa wax nagu amaahinaya Iimaanka iyo mustaqbalka aad ka sheekayneyso? Heestii Cismaan Gacanlaw iyo Magool ayaan ka xasuustaa. Hadaa Maxaynu yeelnaa? Ma hadhsanaa? Ma Hirqanaa? Ma Jeegaamaynaa? Maxaa kulla hagaagsan? Mooge. Horta goor roon ayaa ilaahay ku garansiiyey talladii saxda ahayd. Doqontuna Run ayey moodaysaa Goollaaftankeena. Midna iga gunud sidaas ayuunba ragu iskaga daba imanayaa, oo Dawlada loo wada taageeriye. Yaan lagaaga horeyn iminkaba Shidhka gaadhiga , hadii kale maca dusha ayaa kaa buuxsami. Maanta Heestii Cismaan Maxamed Cabdikariim (Gacanlaw) iyo (Magool) ayaad iigu dhufatay erayadii ugu danbeeyeye. Ana waxaan xasuustay Hees ay wada qaadi jireen Cismaan(Gacanlaw) laftiisa iyo Ina Kidh Master ama (Maandeeq) Sidaan Dilley Adoogaa Hay Qaniinin Dibintee. Dub fiirso maantay Ku taall talladuye. Dad haduu is qoonsado waa la kalla danbeeyaaye. Ha idiin laba ruux Mid uun baa Dulqaatee. Maydhane. Waar waanu iska aamusanaye Meesha Khilaaf huursan ayaa ka jira Xisbiga Waddani oo aanu ku qarinaynaa Qayllada badan. Bellaayo waxay taagan tahay marka maalin dhaw la yidhaa " Mr Cirro Bedaluuu" Ee uu isna yidhaa " ayo dee? Haaddaa Xisbi Maallanaa or I'm owner of this party" Ee marka uu xanaaqo maca af Chines uu ugu maah maaho ee uu yidhaa" 早睡早起使男人" Ee Buurta Gacan Libaax Iyo Go,da Weyni intay cadhoodaan yidhaahdaan" Naxnu Ciyaalla Cabdiraxman Shacru Abyad" Markaa meesha la isugu imanayaa Waa Jeegaanta, oo waan ogaye bahashu meel laga gallo horta ma leedahay? Mooge. Waar dee Qabiil Jeegaan la yidhaa in aanu jirin waad ogtahay, dadkuna mid aan anigu kaaga turjumaayo maahee waa Dadkeenii. Horta maxaad isu yeel yeeshaa inader? Yaan kuwii kaaga soo horeynine iskaga kaallay Guri caska laga Guurey. Isaga oo Duullaya ayuu Waddani waxba tari waayay, macadalla waa iminkoo aad isku Qalibteen oo xitaa aad garan weydiin bahalka iska toosiya. Ninkii ilaahay u tibaynaayo ayuu tallada garansiiyaa. Biyo Meel godan, waar Halkan ayaa la isugu imanayaa oo Rag badan oo aan ogahay waa( fi Dariiq) Hadaa ma 20 sanadood oo laga soo qayliyo halkaas ayaa soconaysa. Masaariiftan Qurbo joogta asqaysani bixisana way joojinayaan dhawaan. Markay ga gab gooyaan ee ay ciyaarta la qabsadaan. Wuxuu yidhi Dhallin ILeeye"Saa danbe ayaad garan" Ka soo carar niyaw Caweer ayaa ku jiiftee Maryo casta. Xidigooduna Nuxuus ayuu fadhiyaa oo wuu Saxal sanyahay Waddani. Siyaasi halkaa gallay iyo wixii raacayba way ka baxayaan khadka. midhkaa aniga ii Xasuusnaw oo ha iloobin. Maydhane. Hawraarsan noo soo ballami Madaxweynaha. Waxaanu nahay Garabka Midig ee Waddani iyo Siyaasiyiinta Qunyar socodka ah ee Gobollada Daad Madheedh, Togdheer iyo Sanaag. Mooge oo Qolladii Reer Hargeisa ee Mr G ayaga miyaanad cid kaga soo darayn? Maydhane. Waar ha noogu yeedhin. Waxayaga ayuun bay meesha ku cunayeene, ma kharashbaa ka baxay. Waar dee inader Meesha waanu ku xoog iyo Xiniinyo beellnay? 20,000, 000 $ ayaa naga baxay. Waar dee waanu caydhawnay. Xoogaygii yaraa ee Qadar keentay ayaa weliba na Cayntiyeye la nama arkeen. Markaa Waddaniga Reer Hargeisa Maydkooda ha iska sitaan. Waxba ha la soconin Qayb danbe. Waayo Filimki wuxuu ku dhamaanayaa halkaase ha lagu soo dhaweeyo dadka cusub xisbiga, oo yaan laga xigtaysanin way ina hayaan dhawaane. Qalinkii Ibraahim (Xabbo)