Burco:-Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Dhalilay Badhasabadii U Danbeeyay Ee Gobolka Soomaray.

0
Thursday February 22, 2018 - 09:19:04 in by salman abdi
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:-Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Dhalilay Badhasabadii U Danbeeyay Ee Gobolka Soomaray.

    Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Sugaal Jibriil Oo Warbaahinta Qaar Kula Hadlay Magalada Burco,Ayaa Ka Hadlay Badhasabadii U Danbeeyay Ee Gobolka Togdheer Soo Maray,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Sugaal Jibriil Oo Warbaahinta Qaar Kula Hadlay Magalada Burco,Ayaa Ka Hadlay Badhasabadii U Danbeeyay Ee Gobolka Togdheer Soo Maray,

Gudoomiye Cabdirisaaq Sugaal Ayaa Sidoo Kale Sheegay Inuu Gudoomiyihii Ugu Fashilka Badnaa Ee Banaankana Keenay Siirtii Dawladnimo Ku Tilmaamay Inuu Ahaa Gudoomiye Ramaax Oo Hada Ah Gudoomiyaha Gobolka Gabilay,

Gudoomiye Cabdi Sugaal Ayaa Sheegay Inuu Ka Walacsanyahay Badhasabkan Cusub Ee Gobolka Xamse Maxamed Cabdi Oo Hada Muddo Laba Todabaad Ah Xilka Hayay,In Wax Badan Iska Badalin Xaruntii Gobolka Oo Gudoomiyaha Cusub Ku Jiro U Dabaal-degay Kursigiisa,

Gudoomiye Ku Xigeenka Ayaa Sidoo Kale Carabka Ku Dhuftay In Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Laga Sugayo Inuu Fuliyo Xaalado Badan Oo Ku Gadaman Gobolka Oo Ay Ka Mid Tahay Hormarka Gobolka,Kisas Fara Badan Oo Fulineed Oo Uu Hore Banaanka Usoo Dhigay Gudoomiye Ramaax,

Gudoomiye Ku XIgeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Cabdirisaaq Sugaal Ayaa Ugu Danbayntii Ugu Baaqay In Gudomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Ka Shaqeeyo Hormarka Gobolku Ka Qatanyahay.