Maxamed Kaahin Vs Maxamed S Barre " .W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Kaahin Vs Maxamed S Barre " .W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

    Maxamed Kaahin Vs Maxamed S Barre " .W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Kaahin Vs Maxamed S Barre " .W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

Sanaddii 1990 ayaa ciidamaddii snm qabsadeen Magaaladda Caynaba ee Gobolka Sool , ka dibna waxay kasoo qabsadeen Madaafiic waawayn oo cusub , markaana loogu deeqay dawladdii Soomaaliya , ka dibna waxaa aad uga xumaaday dawladdii Soomaaliya .

Madaxwayne Maxamed S Barre , wuxuu amar ku siiyey Taliyihii Ciidankiisa ee Burco Gen C/Casiis Cali Barre in uu ka daba taggo hubkii caynaba lagga qabsaday , wax kasta oo ay qaadato .

Gen C/Casiis isagoo dardaarankaa iyo amar adag qaba ayuu soo baxay , ka dibna wuxuu afka soo saaray Aagii uu u tuhmayay alaabtaa uu daba socday , dabeeto dagaal xoogle ayaa ka qarxay aaga hawdka burco , iyadoo isagaadhsiintana uu toos ugu jirro M s Barre , isagoo hadalkadii lagga qorayna ay ka mid ahayd ” Cirka madow haddii la geeyo alaabtaydii ka daba tag iigana soo qaad ” .

Ciidanka Gen C/Casiis oo xoog u qalabaysnaa waxaa u suurta gashay in ay xoog ku qabsadaan goobihii la isku qabsaday ilaa ay soo gaadheen meel qiyaastii 15 km u jirta Degmada Dhoqoshay , dabeeto Ciidankii snm tallo ayaa cudaatay , waxaana ka baxay rag badan oo ay ku jiraan saraakiil ay ka mid ahaayeen , Col Aadan Saleebaan , Col Axmed Cagjar iyo qaar kaloo badani .

Halkaa markay marayso , Maxamed kaahin oo ahaa Sarkaalka Ciidamadda snm ugu sareeyay iyo taliskii ciidanku waxay go’aamiyeen in 12 saacadood gudahood la keeno , Col Xuseen Dheere oo ku sugnaa Magaaladda Gaashaamo , maadaama uu yahay Sarkaal aqoon badan u lahaa hogaaminta ciidamadda dhulka .

7 saacadood gudahood ayuu goobtii kusoo gaadhay , ka dibna wuxuu amray in Madaafiicdii lasoo qaatay la saaro goobta la yidhaahdo kurta dhoqoshay , ciidamadii goobta joogayna wuxuu kala baxay Teknikaddii waxaanu ula kacay jahada galbeed waqooyi , isagoo afka saaray xaggii magaaladda Burco , ka dibna ciidamadii Faqashtu iyagoo mooday in loo waydaartay dhankii Burco ayay dib isu rogeen , halkaas ayaanay ku badbaaday magaaladda dhoqoshay .

Maanta Maxamed Siyaad ma noola , Xuseen dheerana ma noola , hassa yeeshee waxa jooga Maxamed kaahin oo doorashaddii 2017 kagga guulaystay C/raxmaan Cirro oo ah , wiil uu adeer u yahay Saaxiibkii Xuseen dheere , markaa waxaa is waydiinle , tolow haddii uu saaxiibkii xagaa iyo aakhiro kala soo hadlo muxuu ku odhan doono , ma inankii aad adeerka u ahayd waan legdey ?