Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego.

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego.

    Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego.

Waxaan in badan ka maqley War-baahinta maxaliga ah ee jamhuuriyada Somaliland erayada ugu badan dhinaca safiirada (Safiirka Somaliland Iyo Soomaaliya), Arinkaasina ma,aha mid jira oo caalamiya sida caanka ah dunida Safiirku waxa uu kaliya wakiil uga noqdaa wadankiisa meesha loo diro yadoo la raaciyo waraaq ama wareegto Madaxweynaha wadankaasi ku soo suntay qabashada hawshaa, Waxa taa u dhiganta hay,adaha caalamiga ah iyo ururada Quruumaha Midoobey oo yaguna wadan kaliya u dirta Safiir, Balse dawladaha caalamka iyo hay,aduhuba ma isticmaalaan nidaam ah in laba wadan safiir kaliyaata loo diro.


Hadii aan ka istaago dhinaca qadiyada Somaliland oo yada ay ka go,an tahay wax la yeelashada Soomaaliya iney madnuuc tahay isla markaasina ay labadaasi kala aba-baxeen waxna aaney ka dhaxeyn, Markaa hadaynu ku hadaaqno Safiirka Soomaaliya iyo Somaliland u fadhiya dal hebel ama Hay,ad heblaayo, Sida (Englad, U.S.A, France, German, Belgium, Ama Hay,adaha caalamiga ah Sida Who, Unhcr, Ilo, Wfp,). Kuwani haday wakiilo u dirsadaan Soomaaliya yaga iyo inaga Somaliland ahaan kama dhaxeeyaan lamana odhan karo Safiirka u qaalibsan labadaa wadan kan uu ka yimidey ee wakaaladiisa uu sito ama hay,ada soo wakiilatey waxa loo asteeyey waa wadan kaliyaata .

Hadal-haynta ugu badan ee kalmadahani waxay carqaladeynasaa doonisteena ictiraafka buuxa ee caalamiga markaa waa iney ka waantoobaan war-baahintu maadama yagu ay yihiin kuwa ugu badan ee soo cel-celiya kalmadahani aan ku haboonayn dibloomaasiyada iyo nidaamka Aqoonsi-raadiska ee Somaliland ay ku jirto, Sidaa darteed waxaan baaq soo jeedin iyo dhambaal is-huwan isugu dareynaa bah-weynta saxaafada Somaliland kuwaasi arinkani ku calaamadeysmey, Waxaanen u soo jeedinaynaa in aaney Somaliland iyo Soomaaliya Waxba wada lahayn sidoo kalena aaney jirin xubno wakiilo oo ka wada dhaxeeyaa , Tani waa qodobada aan ka duulo een waliba ku doodno in aynu kala tagney meeshaasina aaney wax ugu hadhin umadani.

Saameynta Ay Leedahay Ereyadani.

Erayadani waxay riiqayaan tabacii Somaliland ay u soo gashey dalnimadeeda hada dhamayska tiran ee ay Ilaahey mooyaane aanu bina-aadam waxba yeeli kareyn, Waxa ay caqabad ku noqonaysaa wada hadalada Soomaliland iyo Somaliland oo xataa waxa dhici karta in hay,ad caalamiya loo wada saaro ama loo igmo si ay u dhex-dhexaadiso wada hadaladani, Waliba caqabada ugu weyni waxay noqon kartaa in Somaliland ay dabarto yadoo la cuskanayo wax wada yeelashadani waa hadii ay sii socoto erayadani.

Miyaaney Somaliland Ku Doodeyn Kama Mid Nihin???????.

Somaliland waxay go,aansatey oo ay qaraar dastuuriya iyo afti shacab ku gaadhey in aaney anfaceyn gabi ahaanba ka mid ahaanshaha Soomaaliya , Sidaa darteed ay ka noqotey yadoo dawladnimadii ay hore ugu keentay ay dib ula-noqotey, Iskeedna ay uga anba-qaadey dawladnimadii ay hore u aheyd oo ilaa Maxmiyadii Boqortooyada Midaway ay ugu timidey waliba saxeexeedii xornimada oo caalami ahi uu yaalo wadankan boqortooyada midawdey(UK), Marag cadna ay ka yihiin tan labaad xataa hadii carabka lagu sii badiyo hada ayey ina hantiyeysaa waayo hore waxba inooga mey dhaxeynin.

Horta Labadan Dal Miyey Isku Biireen, Midoobeen, Is-Raaceen???????????????

Labadan dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya xiliyadii ay is-raaceen kamey aheyn ujeedada hada la marin-habaabiyey ee layidhaahdo wey (Midoobeen) , midawgu waa marka wax laysla meel dhigo shuruudo la kala qorto yagoo shuruud walba dhinaca kale ku qanacsan yahay.

Ee wey (IS-raaceen), Labadan dal wey is-raaceen kumay heshiin iney midoobaan ama wax shuruud ah isku mey xidhin waayo waxaa aloosnayd jibo ama qiiro soomaalinimo tasaana arimahooda dadajisey labadan soomaaliyeed dawladahoodii, Tii aakhirkii muxubadii walaalnimo la kala eeday oo ninba dhinaciisa ula luudey.

(Iskumey Biirin), qodabkanina kumuu jirin isna labada dal waxyaabaha isu-geyey waayo wali waxa aan bislaan soomaalida oo dhan sidaa awgeed waa layska muxubo heesay uun.

Guntiyo gaba-gabadii waxaan leeyahay saxaafadu ha ka waantawdo erayadaasi waayo waxay inoo soo jiidaysaa waxyaabo ayna Somaliland galin, Xiligaa aayer uun baa lays raacey lama wada tashan , Waxba lama wada yeelan waa lay raacey oo kaliya xataa qodobo lagama dhigan arinkaasi, Hadaba cidi imika dhaheysa Safiirada Soomaaliland Iyo Soomaaliya ee dawladahaasi ama hay,adahaasi u qaabilsan waa cid dalkeeda wax ka xumaysay.

QalinKa: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.