GARTAY AAN ISAQOONSANO WAXANSE GARAN WAAYAY KULA LIHI..Q.1AAD

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GARTAY AAN ISAQOONSANO WAXANSE GARAN WAAYAY KULA LIHI..Q.1AAD

    GARTAY AAN ISAQOONSANO WAXANSE GARAN WAAYAY KULA LIHI..Q.1AAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GARTAY AAN ISAQOONSANO WAXANSE GARAN WAAYAY KULA LIHI..Q.1AAD

Aragtiyahaa kala fog ayay ka soo baxday in la yidhaa wada hadla,tani oo bustaha lagu saarayay aragtida siyaasadeed ee ay Jamhuuriyada


Maalmahan waxa dib loo soo celiyay hadal haynta wada hadaladii dawlada isku magacawda Federalka Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland in dhowaan la amba qaado.Wada hadaladan oo ka curtay shirkii ingriiska lagu qabtay 2013 balse hakaday 2015kii.
Talo iyo toosin ayay xukuumada JSL uga baahantay shacabka ay xilka qaran u haysa.Sidaa darteed waxan taxanahan ku soo bandhigi doonaa talooyin iyo toosin aan isleeyahay meelahaas waxa ka jira qalooc ama u baahan saxitaan.

Hadaan aragtidayda ka muwaadin aan idiin soo gudbiyo waxaan shirkaa ugu horeeyay u arkaayay:

Laba aragti oo aad u kala fog oo ay kala wateen:

1.Dawladaha reer galbeedka iyo dawladii ku meel gaadhka ahayd ee

Somaliya oo ku heshiis


ahaa dib u dhiska midnimada Somaliya.

 

2.Jamhuuriyada Somaliland oo baadi-goob ugu jirtay aqoonsi balse

garan wayday ama aan ahmiyadba siinin ula jeedada laga lahaa

shirkaa.

Aragtiyahaa kala fog ayay ka soo baxday in la yidhaa wada

hadla,tani oo bustaha lagu saarayay aragtida siyaasadeed ee ay Jamhuuriyada Somaliland ku soo bandhigtay shirkaa.Taas oo ahayd JSL inay aduunka u cadayso in tahay dal madaxbanaan.Waxaanay siyaasada JSL ku noqotay laf dhuun gashay qorshahii midnimada ee ay wateen cidii shirka qabatay oo u food saartay dhaqaale loogu ururinaayay dib u dhiska iyo midnimada dawlad ku sheega Somaliya.

Kadibna si loo jiho habaabiyo siyaasada aqoon raadiska ah ee JSL ayaa la qorsheeyay Turkiga oo loo yaqaano inuu xoog saaro midnimada iyo isu haynta dalalka islaamka ah ayaa loo xulay dhexd-hexaadinta. Halkaas ayay ku qaloocatay dantay JSL ka lahayd wada hadalada,waxaanay isugu biyo shubatay inay shirarkii lagu qabtay Turkiga ka soo baxaan….

La Soco qaybaha danbe

 

Xuseen X.BADMAAX

Hargeysa/JSL

4026100