Somaliya:-Saraakiisha Madaxtooyadda Somaliya Oo Sheegay Inay Toogteen Rag Hubaysan

0
Saturday February 24, 2018 - 07:17:01 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:-Saraakiisha Madaxtooyadda Somaliya Oo Sheegay Inay Toogteen Rag Hubaysan

    Saraakiisha ciidamada Madaxtooyadda Villa Somaliya, ayaa sheegay inay toogteen saddex nin oo ahaa rag hubaysan, lana socday gaari ku qarxay halka loo yaqaan Dhagaxtuur oo ku dhaw Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ciidamada Madaxtooyadda Villa Somaliya, ayaa sheegay inay toogteen saddex nin oo ahaa rag hubaysan, lana socday gaari ku qarxay halka loo yaqaan Dhagaxtuur oo ku dhaw Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.


Saraakiisha Madaxtooyadda waxa ay sheegeen ciidamada ku sugan Koontaroolka Madaxtooyadda inay dileen saddexdaan nin oo ee hubaysan, kuwaasi oo doonaayay inay dagaal ku galaan Madaxtooyadda.


Gaarigii ay wateen raggaan hubaysan ayaa ku qarxay meel ku dhaw Xerada Dhagaxtuur oo ciidan ay degan yihiin, kadib markii ciidamada Koontaroolka Sayidka ay soo rasaaseeyeen gaariga oo taayarada ay ka banjariyeen.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa halkaasi ku dhintay Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada Illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Dhaqdhaaqa guud ee nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya ayaa xaniba oo ma jirto gaadiid iyo dad halkaasi socda, marka laga reebo ciidamo hubaysan oo kaliya