BURCO OO NOQTAY MAGAALAFA UGU NASIIBKA XUN ADDUUNKA WAA QALIN MAXAMUUD KHALIIF AXMED ( ZAKI KHALIIF)
Maanta waxan jeclaysatay in aan ka hadlo magaalada burco oo noqatay magaalada ugu nasiibka xun caalamaka marka laga eego wejiyo badan sababato ah magaalada burco waxay ahayd meeshi lagaga dhawaaqay ama laga unkamay jamuuriyada Somaliland marka labaad madaxweyneyaasha soo maray Somaliland saddex kamid ah waxay ka soo jeedaan gobolka todheer ama magaalada burco marka saddexaad wasiirada ama xilibaanada ugu firfircoon xukumada kasta waxay ka soo jeedaan mar walba magaalada burco , ta afraad nin walba oo ku soo baxa siyaasada nooocu doono ha noqdee waxa uu ka dalaca ama shaqada ku helaaaa xilka uu ka helay gobolka togdheer ama magaalada burco
Ta shanaad magaalada burco ahoo caasimad ku xigeenka labaad ee Somaliland ta ugu danbeysa burco oo ku taala meel istraaji ah marka loo eego isku socodka gobolada somaliland
Si kastaba ha ahaate marka laga yimaado cadaymaahaaas oo dhan ama furasdahaas soo maray gobolka togdheer oo aanay helin gobolada lamidka ah ee somalilanad
may noqon mid gobolka togdheer waxa uu tara ee waxay noqdeen kuwo halkii ay joogtay hoos uga siii dhiga marka loo eego kaabeyaasha dhaqaale , iyo midka dawladeeba ee magaalada burco waxay ka joogta halkii ugu hooseysey waxana la odhan karaa burco way ku khasaartay waxna kamay faaiidin
xafiisyada dawlada :magaalada burco ama gobolka togdheer marka aad eegto xafiisyada dawalada waa dhismeyaal qadiimi ooo la wada dhisay xiligii xukumadii maxamed siyaad bare mana jirto hal xafiis oo la dhisay intii ay jireen xukumdaha cusub soo maray jamhuuriyada Somaliland
waxbarashada :iskuulada dawladu xukunto waa iskuulada ugu liinta marka loo eego iskuulada private ah dhinca kasta oo laga eego xaga dhismaha ay ku jiraan , tayada wax waxbrashada . iyo ta macalimiitba taasna waxa uu sababa controlka la aanta wasaarada waxbarashada ama dayaca xukamada somalinad sanandka kastana marka la gaadho imitaxaanka shaahidigaha ah ee waxa kaalmaha ugu sareeya gala iskuulada privte ah halka kuwa ugu dhicitaanka badana ay yiihiin kuwa dawladu xukunto
caafimaadka : marka aynu si gaar ah uu soo qaadano xaga caafimaadka oo ah adeegyada ugu muhiimsan ee arimaha bulshada magaalada burco waxay ka joogta meeshii ugu hooseysey iyada oo ay ku dhowadahay in alaabada loo xidho cisbitaalada dawladaha marka aad uu guurshana waxad dareemaysaa dayac ka muuqada dhakhaatir joogta oo aan ku filayn , shaqaale hoosaadka oo qaarkood ku sheegaya in aanay mushahar ku filan aanay qaadan , ama aanay dhowr biloodba qaad wax mushahar taas oo sababt in ay uu shaqo tagaan kuwo private ah halkaana ay ka timaado in ay ka tagaan cisbilaakiii shaqaalihi ka shaqaynayey . kuna dhibaatoodaan ama cid uu shaqaysa la waayo dadkii bukaan socodka ahaa ee joogay cisbilaalka , tasina waxay sababtay in la abuuro cispitaalo badan oo priave loo laayahay oo qaali dadweynuhuna aanay awoodi Karin
magaalo walb meel ayuu ka soo gala dhaqaale burco marka laga reebo saylada xoolaha oo aanay weliba ahayn mid casri ah meel kale waxba kam soo gaalaan sababto ah waxa xidhan garoonkiii diyaaraha oo ah kaabedhaqaale oo muhiim ah marka loo eego kabeyaasha dhaqlaaha ee magaalooyinka Somaliland ilaa haatana lama hayo cid uu kacda oo wax ka qabata
garoomadii ciyaaraha : magaalo walba madaxdeedu waxay uu fekeraan sidii ay dhaliyarada magaaladoood wax ugu qaban lahayeen ama mustaqbal fiican ugu sii dhisi lahayeen ilaa waa madaxdii berito bedel lahayde booskoodna geli lahaa laakin madaxdad burco xaalkoodu waa sideee?
Sida aynu wada ogsoonahay meelihii dhliyaradu ku madadaalan laahayeen xiliyada ay fasaxyiihiin oo ay isaga ilaalin lahayeen maandooriyeyaasha , tahriiibta iyo iwm ah ee ay ugu horeyso garoomada cubada cagta waa kuwo aan dayactirnayn qaarkoodna loo isticmaalo goobo suuliyo ah ama qashinka lagu qubo taasina waaa nasiib daro haysata dhaliyarada gobolka togdheer ,
Hadaba aynu ka baxno Somaliland oo aynu soo qaadano magaalooyinka kale ee caalamka ah ee booska burco kale ku jira waa sidee xaalkoodu. ?
Dal walba oo aduunka ku yaala magalaada wadankaasi ka asaasmo ama lagaga dhawaaqo madax banaanidooda waxay ka dhigaaan magaalada ugu horemarsan wadankasi si kastaba ha haate , wadamada qaar waxay sameeyaan oo ay ka dhigaaan magaalo madaxda dalkaas , qaar kale waxay ka dhigaan magaalo madaxweyne ku xigeenka ama Raysal wasaraha ayaa ayaa uu soo guura ama xafiiskiisu ku yeesha . qaar kalena xiliyo gaar ah uu soo wareegaan dhamaantood si xasuus gaar ah ugu noqoto magaaladaas
Magaalada burcna is daa wax laga dhigee nin walba marka xil loo magacaabo ayuu ka guura magalada burco dibna uguma soo noqodo
Hadaba ugu danbeeyn nasiib darada ku dhacday gobolka togheer yaa uu sabab?
Hadii aan qiyaaso dal walba ama magaalo walba waxa horemariya dadka uu dhashay taasina waxay ku tusaysaaa in dadka uu dhashay ay arintaas masuul ka yihiin oo ay gobolka togdheer uu baahan yahay jiil cusub oo wax ka bedela . magaalada gaadhsiinayana halkii ay xaqa uu lahayde
marka aad eegto taariikhaha wadamada hore uu maray dal walba waxa uu kacay dadka uu dhashay
W /D MAXAMUUD KHALIIF AXMED ( ZAKI KHALIIF)
TELL 063 4318306/ 0659335346
BURCO OO NOQTAY MAGAALAFA UGU NASIIBKA XUN ADDUUNKA WAA QALIN MAXAMUUD KHALIIF AXMED ( ZAKI KHALIIF)
BURCO OO NOQTAY MAGAALAFA UGU NASIIBKA XUN ADDUUNKA WAA QALIN MAXAMUUD KHALIIF AXMED ( ZAKI KHALIIF)