Horumarkaaga Waxaa Sal U Ah Hadba Sidaad U Fekerto W/Q:Hussein-Lucky

0
Friday March 02, 2018 - 11:28:37 in by salman abdi
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarkaaga Waxaa Sal U Ah Hadba Sidaad U Fekerto W/Q:Hussein-Lucky

    waxaynu aad u raadinaynaa dhamaanteen dalkeena oo horumar sameeya dhinaca kasta, laakin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaynu aad u raadinaynaa dhamaanteen dalkeena oo horumar sameeya dhinaca kasta, laakin,

marka aynu rabno inaynu dorano ciddii adeege inooga noqon lahayd danta guud, waxaynu u fekeraa heer qabiil, inagoo cidda aynu dooranayno u eegna inuu buuxiyo shuruudahan: 1. ruuxa aynu dooranaynaa waa inuu yahay ruux wax la boobi kara, waxna ka dhacsan kara keyrkiisa ay qabiiladda kale soo dooranayaan (Maya inuu yahay ruux amaano leh, oo Alle ka cabsi badan, karti iyo aqoona leh) 2. inuu yahay nin reerka wax u soo dhicin kara (maya inuu yahay nin dalka iyo dadka waxtari kara garaad ahaan iyo aqoon ahaanba), Isma weydiino, ninkani waxan uu cid la boobayo, ama kasoo dhicinayo, yaa iska leh, miyaanu ahayn maalkii aad wax kulahayd ee cashuurta aad bixiso ahayd, ee ay ahayd inuu Cisbitaal, Iskuul, Malcaamad, Waddo, masaajid, saldhig booliis kuugu dhiso.

Taas ka kaalay, marka aynu rabno, inaynu helno Ruux aynu u dhiibano meherad, ama bakhaar, waxaynu soo qadinaa shuruudo badan oo ay tahay in laga helo ruuxaas, kuwaasoo kala ah: Inuu aaimin yahay, karti badan yahay, ruux weji furan oo cibaado badan yahay, isla markaana aanu lahayn wax balwad ah, lana yimaadaa ruux ka ah Damiinul musalin, CAJAAIB, maxaynu intan oo shuruudood ee aynu ku xidhnay ruuxa aynu bakhaar ama meheradda ganacsi ugu dhiibanaynu ugu xidhi waynay kan aynu Madaxweynaha iyo Xildhibaanka u dooranayno, tanni, waxay muujinaysaa in danta gaarka ahi ay inagala qiimo badan tahay tan guud. Dhinaca kale, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, AMA AFEEF HORAA LA YEESHAA,AMA ADKEYSI DANBE, waxaad arkaysaa iyadoo meel walba ay bulshadii ka calaacalayso oo ay leedahay dadkii aanu dooranay dantii guud bay boobeen, way na baabi’iyeen, ilaahow naga qabo, su’aashu waxay tahay ma iyagaa ku baabi’iyay, mise adigaa isbaabi’iyay, markaad wax ku dooranaysay nin wax dhacsan kara iyo mid wax boobi kara inoo doora, ee aad odhan wayday waar ruux amaano, karti, iyo masuuliyad leh inoo doora, runtu waxay tahay in aad adigu is baabi’isay, waxaynuna bulsho ahaan ka dhiganahay umad Tiin )TITIIN) beeratay oo leh muxuu babaay iyo Canab iigu soo bixi waayay.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay, waxaa hadda inagu soo fool leh Doorashooyinkii Barlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanan arkayaa rag aad u fara badan oo mid waliba shaacinayo inuu Musharax reerkooda u yahay, ragaas in badan oo aan garanayaa waa Tiinkii (TITIIN) aad horey u beerateen oo kale, waxaa kaloo ku jira kuwo wanaagsan oo hadaad doorataan Canab iyo Babaay idin noqonaya, ee bal intaad caqligiina kaashataan beerta bayaay iyo Canab si aad babaay iyo Canab u goosataan, isla markaana aad xor uga noqotaan Calaacalkii horey idiin daashaday Mustaqbalka danbe, haddii kale noqda tii Maahmaahda Soomaaliyeed sheegtay ee ILLEYN DOQONI QIIQ KAMA KACDEE, DAAMANKEY MEERM,EERISAA.




Wa bilaahi TOWFIIQ

Qalinkii: Hussein-Lucky Mohamed Mohamoud,

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.