Burco Daawo"Xaasidnimada Muqdisho iyo Madaxdeeda in nalala Arko Waan ku faraxsanahay"Maayarka Burco oo Farta ku Fiiqay Xaasidnimada Somaliya

0
Saturday March 10, 2018 - 17:48:32 in by salman abdi
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco Daawo"Xaasidnimada Muqdisho iyo Madaxdeeda in nalala Arko Waan ku faraxsanahay"Maayarka Burco oo Farta ku Fiiqay Xaasidnimada Somaliya

    Cuqaasha, Salaadiinta, Waxgaradka iyo Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Maanta si adag uga jawaabay Hadalada Farogelinta ah ee maalmihii udanbeeyey kasoo Baxayey Madaxda Dawladda Somaliya ee ku saabsanaa heshiiska ay soomaliland la gashay DP World,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cuqaasha, Salaadiinta, Waxgaradka iyo Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Maanta si adag uga jawaabay Hadalada Farogelinta ah ee maalmihii udanbeeyey kasoo Baxayey Madaxda Dawladda Somaliya ee ku saabsanaa heshiiska ay soomaliland la gashay DP World,

 Waxayna ugu horeyn odayaal dhaqameedka Togdheer si iskuma ugu jawaabeen Masuliyiinta Dalkaas oo ay sheegeen inay Riyoonayaan, iyagoo Bulshada kale ee soomalida iyo Adduunyada ba Farta ugu fiiqay Xaasidnimada Masuliyiinta Muqdisho waa sida ay hadalka u dhigeene, waxana hadaladoodi kamid ahaa,

Dhina kalena Badhasaabka Gobolka Togdheer, kuxigeenkiisa, Duqa Degmada Burco iyo Xubno ka mid Xildhibaanada Golihiisa ayaa si adag u Duray Maamulka Xamar iyagoo si cad ugu sheegay inaanay colaadna kaga calaf qaadayn xaasidnimona aanay meel ku gaadhayn, waxayna Tilmaameen in Dawladda Somaliya Madaxda imnka joogtaa noqdeen kuwi ugu xaasidsanaa isla markaasna ka xun yihiin Horumarka ka socda Somaliland.

Waa Markii u horeysay ee Bulshada Gobolka Togdheer iyo Masuliyiinteedu ay luqaddii ugu adkayd kula hadlaan Dawladda Muqdisho