Spain:_ Wiil maqnaa in badan oo meydkiisa heley gaariga aayaadiis

0
Monday March 12, 2018 - 09:03:36 in by salman abdi
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain:_ Wiil maqnaa in badan oo meydkiisa heley gaariga aayaadiis

    Spain:_ Wiil maqnaa in badan oo meydkiisa heley gaariga aayaadiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Spain:_ Wiil maqnaa in badan oo meydkiisa heley gaariga aayaadiis

Wiilyar oo baadi-doonkiisa ay ka qeygaleen kumanaan kun oo qof, muddo billooyina la raadinayay ayaa meydkiisa laga heley qeybta dambe ee gaariga islaan ay aabihiis wada joogaan.

Wiilkan oo 8 jir ah oo lagu magacaabo Gabriel Cruz ayaa waxaa baadi-doonkiisa ka qeybgalay illaa 4,000 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Booliiska ayaa meel dhexe ku joojiyay gaari ay wadatay islaanta wiilka aabihiis ay wada joogaan oo lagu magacaabo Ana Julia Quezada, baaritaan kadibna qeybta dambe ee buutka ah ayay ka heleen meydka wiilka.

Maqnaanshiyaha wiilkan yar ayaa Spain oo dhan qabsaday, iyada oo xitaa la bilaabay dhaqdhaqaaqa balaaran oo baraha bulshada ah oo ay dadka ku raadinayaan wiilka.

Isu soo bax dhacay ayaa waxaa kasoo qeybgalay kumanaan shacab ah, iyada oo waalidiinta wiilka yar oo kala ah aabihiis Angle Cruz iyo hooyadiis.

Ra'isulwasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa shacabka oo dhan uga tacsiyeeyay geerida ku timid wiilkan yar.