Uk:- Caaalamka:- Ciyaartooy noqday ganacsade weyn shil ku dhacay awgiis.
Ninka lagu magacaabo Greg Cox waxa uu ka mid ahaa kooxda ciyaaraha kubbadda hardanka (rugby) ee dalka UK, halkaas oo uga muuqday mustaqbal ifaya.
Xilligaas waxa uu ahaa 18 sano jir, sanadkana wuxuu ahaa 1999-kii, balse waxaa ku dhacay shil xun oo kalifay in kooxda laga saaro.
Waxay uga dhignayd masiibo weyn oo ku habsatay, hase yeeshee waxa uu u baddalay fursad.
Waligiis ma uusan malaysanin in shil ku dhacay uu fursad u badali karo, islamarkaasna uu noqon doono nin guulo waaweyn ka gaaray nolosha.
Shaqooyin badan ayuu markaasi kadib faraha la galay, balse markii lasoo gaaray sanadkii 2009-kii ayuu asaasay shirkad xagga tiknoolajiga ah oo lagu magacaabo Quint Group oo ku fadhida raasumaal dhan £42m.
"Waligeey waxaan ahaa qof fikrad ganacsi ay ku jirta, xitaa markii aan yaraa carruurta iskuulka ayaan alaabo ka iibin jiray" ayuu yiri Cox.
Biloowgii waxa uu shirkaddan ku maalgashaday lacag dhan £12,500, wixii markaasi ka dambeeyay shirkadda waxa ay noqotay mid soo celisay macaash badan.
Maanta waxa uu leeyahay 90% shirkadda Quint kadib markii uu saamiyadii kale ka iibsaday ninkii ay shirkadda isla billaabeen. Waxaa shirkadda ka shaqaysa illaa 100 qof, iyada oo ka hawlgasha dalalka Poland, Shiinaha, Koonfur Afrika, iyo Maraykanka.
Mid ka mid ah adeegyada ay fuliso shirkadda waxaa ka mid ah in ay isku xirto dadka caadiga ah ee deymaha doonaya iyo shirkadaha deymaha bixiya, waxayna halkaas ka heshaa lacag dalaal ah.
Cox waxa uu sheegayaa in safarka uu ahaa mid dheer, mararka qaarkoodna uu dhibaato kala kulmay, isaga oo xitaa ku qasaaray ganacsi ceymis ah oo shirkadiisan hoos imanayay.
Waxa uu talo u hayaa dadka kale, "Taladayda waxa ay tahay in uu qofka xoogga saaro waxa uu ku wanaagsanyahay" ayuu yiri Mr. Coz.
Uk:- Caaalamka:- Ciyaartooy noqday ganacsade weyn shil ku dhacay awgiis.
Uk:- Caaalamka:- Ciyaartooy noqday ganacsade weyn shil ku dhacay awgiis.