Hargeisa:- Maxkamada Hargeysa Oo Loo Gudbiyey Dacwad Nooceedu Cusub Tahay + Arimaha Ay ku Saabsan Tahay.

0
Tuesday March 13, 2018 - 08:02:15 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Maxkamada Hargeysa Oo Loo Gudbiyey Dacwad Nooceedu Cusub Tahay + Arimaha Ay ku Saabsan Tahay.

    Hargeisa:- Maxkamada Hargeysa Oo Loo Gudbiyey Dacwad Nooceedu Cusub Tahay + Arimaha Ay ku Saabsan Tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Maxkamada Hargeysa Oo Loo Gudbiyey Dacwad Nooceedu Cusub Tahay + Arimaha Ay ku Saabsan Tahay.

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa loo gudbiyey dacwad nooceedu cusub

yahay oo ku saabsan takoor lagula kacay wiil naafo ah.



Garyaqaan Mubaarig Cabdi ayaa maxkamada gobolka Hargeysa u gudbiyey dacwad ka dhan ah meheradaCafé Barberaoo ku taala magaalada Hargeysa, taas oo lagu dacwaynayo takoor ay kula kacday wiil yar oo naafo ah.


 

 

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa gudbinta dacwadan soo bandhigay, isaga oo qoraal uu ku baahiey bogiisa Facebook ku yidhi "Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayuu qareen Mubaarik Cabdi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cafe Barbera, Hargeysa, isaga oo ka wakiil ah wiil yar oo lagu takooray naafo nimo.


Dastuurka Somaliland iyo xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanku waxaay mamnuuceen in qof la takooro sababtu noocay doonte ha noqotee.”


Dacwadan ayaa noqonaysa mid ku cusub dhagaha bulshada somaliland, iyada oo dastuurka somaliland iyo xeerarka xuquuqda bina aadankuna ay mamnuuceen nooc kasta oo takoor ah oo lagula kaco qayb ka mid ah bulshada.