Hanka somaliland iyo Heshiiska DP World : by abdirashid osman

0
Friday March 16, 2018 - 14:53:32 in by salman abdi
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanka somaliland iyo Heshiiska DP World : by abdirashid osman

    Hanka somaliland iyo Heshiiska DP World : by abdirashid osman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanka somaliland iyo Heshiiska DP World : by abdirashid osman

Siyaasadu maaha shay meel uun loogu soo hagaago se way is bedbedeshaa had iyo jeerna waxaa lala xidhiidhiyaa waaqaca markaa taagan iyo saamayntiisa,sidaynu ogsoonahayna caalamku maanta wuxuu noqday tuulo sida la isticmaalo marka la sifaynayo taa asbaabteeduna way badantahay waxaana ka kowa ,cilaaqadka dowliga iyo xidhiika caalamigee dowladaha ka dhexeeya , masaalaxa dhaqaale ,isgaadhsiinta casriga ,baahiyaha bini aadamnimo oo isku mida ,dhibaatooyin badan ee lawada wadaago kuwo dabiiciya iyo kuwo cawaaqib xumadoodu isku midtahay iskusina caalamka dhib ugu hayso sida ladagaalanka argagixisada ,musuqmaasuqa iyo arimo badanoo kaloo lawadaago .

 

sidaa markay tahay waxaan shaki ku jirin in hadana caalamku isi sii saameeyo oo qoloba mowqaca uu illaahay ku wada abuuray waxaa ka dhacaa ay saamayntu mid noqoto ,hadaba maanta inagoo taa danbe ka duulayna marka hore waxaa ka soo cusboonaaday mandiqada geeska africa ee ay SOMALILAND ku taalo xaalad siyaasadeed iyo loolan aad u murugsan salkana kuhaya arin dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ,marka u horaysa inagoo ogsoon inaynunahay dowlad aan weli la ictiraafin se ay dhamaan u dhantahay astaantii dowladnimo taana aynu sharaxaadeeda kawada dheregsanahay waxaa muhiim noqotay inay somaliland loolankaa kow ka noqoto cida ay saamaynta u wayni ku soo wajahantahayna yada noqoto ,waxaanan odhankaraa waa fursad maanta iyo albaab u furmay siday uga faaiidaysanlahaydna yada iyo kartideeda siyaasadeed ku xidhantahay iyo sida ay siyaasiyiinteedu u akhristaan waaqacaa maanta ka taagan mandaqada.


Aduunku waa masaalix welibana waxaa maanta masaalaxaa ugu wayn ta dhaqaale oo maanta caalamkuba orod ugu wada jira waana shay dabiiciya marka lala xidhiidhiyo tiradii dadka oo si xowliya u kordhaysa taasina waxay keenaysaa culays dhaqaale oo daboolaya baahiyahoodii quudineed,caafimaad ,wax barasho iyo dhamaan asaasiyaadkoodii nololeed inay helaan dabcan bulshada somaliland arimaha noocaasoo dhami way tahay inay helaan weliba inaga waxaa inoo dheer ictiraaf la,aanta oo wax badani inagaga xidhanyihiin.

Maanta loolanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee aan in badan inaga fogayn waata keentay in SOMALILAND la bartilmaameedsado oo ay noqoto masraxa ama meesha lagu baratamayo ee xudunta marineed ee dhaqaale noqotay asbaabo badan darteed waxaa maanta sidaynu ogsoonahay magaalada BERBERA ee inoo ah isha dhaqaale ee dalka shirikado badani tartan u galeen siday fursadaa uga faiidilahaayeen dhinaca kale akhristow ha mooganaan aduunka maanta waxaa maanta hogaamiya sharikadaha dhaqaalaha waynkale oo xataa siyaasadooda khaarajga u jeexa ,DP WORLD waa shirikad laga leeyahay dalka yar ee imaraadka carabta ee siyaasiyan maanta noqday dal muhiima siyaasada caalamkana saamayn wayn ku yeeshay taa waxaa u saamaxay cududa dhaqaale ee uu yeeshay waana ta maanta u suurta gelisay inuu yeesho shirikado caalamiya oo meelo badan ka ganacsada caalamka aadna looga ixtiraamo taasi dhinaca kale waxay keentay inuu saamayn siyaasadeed ku yeesho meelo badan aduunka ilaa maraykanka maanta oo cad waynu dareemi karaa akhristow heerkaa kumuu gaadhin cudud ciidan ee waa cududa dhaqaalee maanta loowada tartamayo.


SOMALILAND maxaa maanta la gudboon hadaba ooo ay fursadaa kaga faaiidaysan kartaa waa yadoo la timaada kow :

- Fahan siyasadeed oo dhaba waaqaca maanta ka taagan iyo mandaqadaba meel fogna wax ka eegta yadoo akhriska siyasadeed ee xeeladeed isticmaalaysa,

- Taxadir iyo feejignaan labanlaaban oo ay talaabo waloo ay qaado kasii taxadirto oo akhrido maxaa kaga soo noqon kara .

- Shafaafiyada waxa loo yaqaano ama hufnaanta talabooyinkay qaadayso oo ay dadkeeda u soo bandhigto iyo marba xaalku halkuu la marayo waayo bulshadu waa kuwa sida tooska u dareemaya khataraha lasoo gudboonaan kara ama faaiidoyinka ay ka gaadhi karaan talaaboyinka ay qaado xukuumadu.

- Kudhaca siyaasadeed marar badan waa mid loo bahanyahay waana ta ay maanta somaliland aad ugu baahantahay madaama inaga maanta baahiyaheenu aad u badanyihiin howgu waynaato ictiraafkuye waayo siyaasada (taqayqucu) ama dabrani inaga wax badan inoo soo kordhinmayso aan ahayn wakhti baadan oo ianagaga mooyaane waana mid aan xukuumada kulmiye ku taagersan ahay ilaa xiligii siilanyo oo isagu bilaabay maanta madaxweyne Musse halkii kasii wado.

- Waa inaynu ka gudubnaan siyaasadan rad ficilkaa iyo tan dedaalka shakhsigaa oo u gudubnaa siyaasad isku duuban oo qeexan oo xukuumadkeenu u gudbaan siyasad xasiloon ee taagan lana jaanqada uun waqaca markaa tagan .


guntii iyo gabagabadii somalilnd gacanteeday kuhaysataa fursado dhaqaale iyo mid horumarineed inta masaalixa lagaaleyuhuunbaana lagu yaqanaa caalamka maanta ee wax xoog iyo hadal badan kuyimadaa majiraan iyo yaariikh baanu lahaan jiray ,waa maxaynu kala faaiidnaa ee haysaa aan wax kula qabtee ,heshiisa DP WORLD hore haloogu socdo hadii sidaa lagu gelayo iyo hadii wax laga bedelayaba ,heshiiska kalee qaacidada caskariga wax wayn hala siistaan leeyahay oo miisaanle imaraadku waa dowlad carbeed oo dowladaha khaliijka ka mida loolana kula jirta dhigeeda khaliijiyiintaa waa dal muslima oo wax badan aynu wadaagno wax badana xeeriya halaga faaiido .