Jaahwareerka Dawooyinka Dalka.

 

Eeg akhriste jahawareerka haysta bulshadeena iyo buuqa ka jira shirkadiihi dawooyinka soo dajinaayey oo furtay farmasiyo ku tafaariqaynaaya daawooyin qiimo jaban oo aan lahayn tayo waxtar caafiimaad ah waxyeelo mooye


Daawo waa sun waana daawo daawadu waxa had iyo goor sharciyan ay leeyahiin siyaasad cad oo dawliya samayntooda warshadeed ka ganacsigooda iyo maamulkooda daawo maxay u xilsaaran tahay dawladu dawladi waa tii had iyo goor xil iska saarta caafimaadka iyo waxbarashada dadkeeda lana socota fayaqabka cuntooyinka iyo daawooyinka dalka dibada uga yimaada ma jiro ilaa hada qalab lagula socdo tayada daawooyinka cuntooyinka caanaha food stuf rationka dalka dibada uga yimaada iyo sharci lagula socdo isticmaalka daawooyinka

dalka
Waxa la kulmay bulshadii somaaliyeed kalsoonidii caafimaad ee daawoyinka iyo drs dalka wax usoo bartay waxa lasoo darsay jahawareer xoogan oo kasoo gaadhay tayo darada daawooyinka dalka dibada uga yimaada kadib burburkii dawladii soomaaliyeed oo ay luntay siyaasadii caafimaad ee daawooyinka iyo ka ganacsigooda waxa dhacday in daawooyinka ay keenan dad aan u lahayn wax aqoon caafimaad taas oo aanay dawlada hada jirtaa waxba aanay kala socon daawooyinka dalka dibada uga yimaada iyo waxtarka ay u leeyahiin isticmaalka bulshadeena waxa bulshadii ay u carareen wadaad iclaaj haysta oo ay bidayaan aqoon caafimaad kadib markii daawadii ay bukootay waxa batay pharmasiyadii iyo ka ganacsiga daawoyinka aan lahayn tayada ee dalka dibada uga yimaada pharmasiyadii hore way xadidnaayeen oo waxay ku shaqayn jireen shift duty radio hargeisa ayaa looga sheegi jiray dadwaynaha ku nool gobalada dalka farmasiga shaqaynaaya habeenkaa waxa laga sheegi jiray radio hargeisa waxa si fiican u shaqaynaayey cusbitaalada dawliga oo habeenka la shaqayn jiray farmasigaa shift shaqo u soo jeeda farmasigaa waxa uu lahaa waraaqo furnaanta sharci sida warqada xaashida soo eegista caafimaadka guud xaashida liisan ka ganacsi warqada ogolaanshiyaha wasaarada caafimaadka sidoo kale aqoontiisa caafimaad iibiyaha daawada farmasigu waxa uu ka diwaan gashanayd wasaarada caafimaadka

Farmasigu waxa uu kaliya oo iibin jireen oo loo ogolaa dawooyin xadidan oo wasaarada caafimaadka dawligu ay maamuli jirtay

daawooyinku

waxa dalkeena la keena daawooyin laga mamnuucay aduunka kadib markii waxyeeladoodi ay ka badatay faaidadii caafimaad ee daawo waxa dhacda oo dalka inta badan dhacda in si fudud looga badalo daawooyinka taariikhdooda

ma aha hal ilaa 2ba goor inta goor ee ay qabteen ajanib wax ka badalaaya daawooyin ay leeyahiin shirkado degan jamhuuriyada Somali land waa ta keentay in ay dhacdo 6 biloodba in shirkadaha daawooyinka dalku ay soo bandhigaan 1 contener oo daawo ay ku wareejinayaan laamaha fayadhowrka dawliga si loo gubo daawooyinkaas hadaba waxa is waydiin mudan maxay ula kulmi waayeen maamulka shirkada daawadu hoos u dhac dhaqaale shirkadeed khasaare markaynu eegno heerka qiimaha daawo ganacsi ee caadiga ah ee uu tagnaankaro 1 contener oo daawo ganacsi marka loo eego suuqyada caalamka ee daawooyinka international despensery assosition

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com

063 4130821