Maraykanka:-Askari Soomaali ah oo ka tirsanaa booliska Mareykanka oo loo xiray dil
Xeer ilaaliyaha guuud ee deegaanka Hennepin County, Mike Freeman , ayaa dambi dil ah ku soo oogay nin Somaali ah oo Maagaalada Minneapolis ka haan jiray askari booliis ah.
Bishii July ee sanadki hore ayaa Mohamed Nuur waxa uu ku toogasho ku dilay haweeney u dhalatay dalka Austarelia.
Haweenayda la dilay, ayaa markii hore u yeertay booliska si ay wax uga qabtaan fal dambiyeed ay sheegtay in gurigeeda gadaashisa uu ka dhacayay.
Mahamed Nuur ayaa maanta la xiray kadib markii uu isagu isu dhiibay booliiska, waxaana arrintaasi ay cabsi badan ku abuurtay bulshada Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan maadaama kal hore markii uu askarigaasi Soomaaliga ah dilay haweeneyda Soomaalida oo dhan lagu kacay.
Abirizaq Bixii , wuxuu u ol oleeyaa arimaha bulshada Somalida, Wariyaha BBC-da Mohame Haji Huseen ayuuna uga waraymay xaalada.