Hargeisa:- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Wasiir Gur-barwaaqo Iyo Caydii Hablaha Beesha Ciidagale Oo Wax Laga Weydiiyay.

0
Wednesday March 21, 2018 - 10:56:28 in by salman abdi
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Wasiir Gur-barwaaqo Iyo Caydii Hablaha Beesha Ciidagale Oo Wax Laga Weydiiyay.

    Hargeisa:- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Wasiir Gur-barwaaqo Iyo Caydii Hablaha Beesha Ciidagale Oo Wax Laga Weydiiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo U Yeedhay Wasiir Gur-barwaaqo Iyo Caydii Hablaha Beesha Ciidagale Oo Wax Laga Weydiiyay.

Guddiga joogta ah ee golaha wakiillada ayaa u yeedhay Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelin Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Macallin Maxamed Axmed Baddal oo ah macallin ku xeel dheer taariikhda iyo suugaanta afka soomaaliga isla markaana jaamacadaha dalka ka dhiga maadada afsoomaaliga si ay wax uga weydiiyaan gabay lagu caayayo hablaha beesha Ciidagale oo wasiir Guri-barwaaqo ku qoray buug lagu magacaabo Sooyaal oo uu qoray 7 sanno ka hor.


Markii uu dhammaaday kulankan u dhexeeyay wasiir Guri-barwaaqo iyo guddiga joogta ah ee golaha wakiillada ayaa waxa warbaahinta la hadlay Macallin Maxamed Axmed Baddal oo ah ninka bulshada u soo bandhigay khaladaadka ku jira buugga Sooyaal, waxaanu sheegay in Xildhibbaanada la wadaagay xogo badan oo la xidhiidha buuggan uu qoray wasiir Cabdiraxmaan Gur-barwaaqo iyo gabaygga lagu aflagaadaynayo hablaha beesha Ciidagale ee ku jira buugga.

Dhankiisa waxa aan isagu warbaahinta la hadlin wasiir Gur-barwaaqo oo markii uu kulan soo dhammaaday deg-deg uga baxay xarunta golaha wakiillada iyada oo wajigiisa laga dheehan karayay cadho badan.

Dhan kale hablaha galbeedka magaalada Burco oo shalay kulan qabtay ayaa luuqad adag kula hadlay wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaq


Wixii warar ee ka soo kordha arrintan iyo muuqaalada goor dhaw ayaanu idin soo gudbin doonaa