Kaftanka Xaallada Geeska ee Qawdhan iyo Abuukar Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Wednesday March 28, 2018 - 13:56:58 in by salman abdi
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Xaallada Geeska ee Qawdhan iyo Abuukar Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Kaftanka Xaallada Geeska ee Qawdhan iyo Abuukar Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaftanka Xaallada Geeska ee Qawdhan iyo Abuukar Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Qawdhan. Waxaa cadaatay in aanu ab iyo abtiba yeellanay. Abuukar. Xaad uga jeedaa? Ii jilci nooh. Qawdhan. Ma fahmaysaa horta sxb lahjadeyda aynu sheekaysanee. Abuukar. Haa, waa kasaa. Meeqa sano aan Hargeyso ka shaqaynaayey. Qawdhan. Anaga Qolladayada Reer Somaliland Carrab ayaanu ka soo jeednay oo wataa maanta aanu dhaadanay ee wax walba la isugu kaayo darray. Reer abti wanaagsana waanu lahaynee Ethiopia ayaa noo abti ahayd oo Berigii horena na soo dhawaysay iminkana na badhi taaraysa. Markaa ab iyo abtiba waanu idinku dhaanaa idinka. Abuukar. Saxiib anaga tolkayo Amison ayuu noqday. Abtiyaalna waxaa noo ah Kiiniya oo dharka nagala baxaysa. Badii waa qaadatay wax walba waa gatatay. Qolladii Reer Xamar Cad cad ka ahaana tolkood oo Turki ah aa wacdeen nooh. Kuwaasna waa Reero ganacsi Dekadii waa qaateen. Airport kii waa qaateen. Hospitalladii waa qaateen. Macdantii waa qaateen. Kuwoo kale all Shabaab saxiibadood Qadar aa u wacdeen nooh, oo hub iyo lacag ku soo daldolaysa Xamar. Markaa saaxiiboow unuka isku tol ma nihin. Hada idinku af Carbeedka xataa waa kasaysaan nooh. Anaga kuwa la dhaho Reer Aw Xassan oo 0.5 ah aa Qadar kulla hadla af Carabigii hore ee Qaadiriyada iyo Xertii sheekh Aweys. Qowdhan. Adeer anagu Af Carbeedka waanu Dac farnay. Maxaayeellay? naxnu Carab asli min Jid ilaa Jid wa Umu Xabash " Gasam ka alle Samaa Mingidh ka Alle" Gabtu al? Abuukar. Saaxiibaw Af Carbeedka iyo Af Ahmarik labadaba ma kaseysaa? Qawdhan. Indhee, taadhas. Inee Rasuu Ethiopianaw sinti amat nabaree ka Ethiopia wisti. Inaatuu Habashinaw gin abaatuu Arabnaw. Abuukar. Saaxiibow anuka Xamar cad cad ayaan ahay. Noo soo duceeya Turkish aan la shaqaysanay rabnaa hada laga billaabo. Anuka African iyo afaara Qabiilkiis wax nooma gallaan nooh. ilaahay idinka ha idin soo Ururiyo,dad fiican aa tihiin nooh. Qowdhan. Waa saxe Turkishka iskala xamaasha oo Qadar iyo Qaraxeeda iska ilaaliya. Nabad gelyo Sheikh Abuukar. Abuukar. Haye sxb. Soo barya.