Baroortu Orgiga ka weyn, ta Hargeisa lagu wadaana ka dhicimayso, Qalinkii ( Fozia Osman)

0
Wednesday March 28, 2018 - 13:56:58 in by salman abdi
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Orgiga ka weyn, ta Hargeisa lagu wadaana ka dhicimayso, Qalinkii ( Fozia Osman)

    Baroortu Orgiga ka weyn, ta Hargeisa lagu wadaana ka dhicimayso, Qalinkii ( Fozia Osman)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baroortu Orgiga ka weyn, ta Hargeisa lagu wadaana ka dhicimayso, Qalinkii ( Fozia Osman) Goormaa Ciidagale ay Wakiil ka noqdeen 7 da Hablood ee Waddani ee lagu shaqaysanayo? Maaha markii ugu horeysay ee ay Magaca Ciidagale ku hadlaan koox ka tirsan Xisbiga Waddani oo si xun loogu shaqaysanayo. Maaha markii koowaad ee ay ceeb iyo cay mariyaan hawada hablaha Magacii Xisbigooda aamini waayey ee uu Waddani sida xun u isticmaallayo. Waa wax nagu cusub oo ugub ah in tirro yar oo koobani maalin walba dhulka jiido Magaca Ciidagale. Waxaanu mudo badan aanu soo ahayn Xisbiga Ucid oo uu Hogaamiye iyo Musharax ka yahay ilaa maanta Faysal Cali Xusseen (Warraabe). Weli may dhicin mudadaas uu soo jiray Xisbiga Ucid in Hablaha Ciidagale iyo Dhalinyarada Ciidagale ay cay iyo ceeb ugu soo baxaan banaanka. Waa taariikh xumo inoo gaar ah oo u baahan in aan la eegan. Waa ceeb in Ururadii khayriga ahaa iyo Magacii Reerka ay ku hadlaan koox ka soo jeeda Xisbiga Waddani oo la iska soo horraysiiyo. Anigu Foosiya Cismaan ahaan ma taageersani Wasiirka Qorraalka foosha Xun ku soo qorray Buugiisa. Raalina kama ihi in Hablaha Somaliyeed, kuwa Reer Somaland iyo kuwa Ciidagale ee aan ka midka ahay toona la caayo. Wax kasta oo dhacaa waxay ku qurux badan tahay in laga wada xaallo oo Ragayagu kalla xaallaan cida ay ka timi waxa aanu tirsanayno. Goormaa 7 dan hablood ee Waddani noo noqdeen Qarreen iyo Sullaadiin. Yaa u igmaday mar walba inay Magac Qabiilkayaga ku hadlaaan ayaga oo ah Dumar ka tirsan Xisbi raba in lays dillo. Maaha gobanimo iyo fariidnimo toona in xishoodka laga tago oo koox aan naga wakiil ahyni maalin walba dhulka jiido Magaca Reerkayaga oo lagu yaqaanay taariikh fiican iyo tallo fiican. Waxaan leeyahay Waxgaradka, odayasha Dhaqanka, iyo dhamaan Ciidagallaha damiirka leh maaha in aad isku daawataan Ninkan aanu wax ka tirsanayno iyo kuwa ka faa,iidaysanaya ee raba in Dagaal Iyo Collaadi Hargeisa ay ka dhacdo. Bellaaya waa laga hortagaaye lama daawado. Odayaasha dhaqanka ee Sacad Muusena waxaan leeyahay maaha in aad daawataan waxa soconaaaya iyo dhibaatada laga soo Xawilaayo Burco Galbeedkeeda iyo koonfurta Somaalia. Waxa ay Reer Waddani rabaan siday isugu dhufan lahaayeen Reer Hargeisa, sidii horeba ugu suura gashay. Maaha in la idinka caqli bato, tan hada uu naga gallay Ina Gurri Barwaaqo iyo qaar ka darraniba way iman doonaan dhexdeena oo waxaynu nahay dad walaallo ah oo meel wada yaalla oo ilaahay ku wada abuurray. Markaa waa in aad soo af jartaan arintan noqotay mashruuca ee cid waliba rabto inay ka faa,iidaysato. Waxaan leeyahay guud ahaan Somaliland barroortu Orgiga ka wayne u fiirsada waxa socda. Hadii aad youtubeka aad gashaan waxaa ka hellaysaan ama arkaysaan hablahaas Reer Waddani oo caytamaaya Guribarwaaqo iyo Buugiisa hortii. Waxaa iyana wax lagu qoslo iyo indho adayg ah in Beesha aanu walaallaha nahay ee H Yoonis oo ah kuwii gabaygan cayda ah hore u tiriyey inay hadana iskaga kaaya dhigayaan qaar ka xun oo anaga noo hiilinaya, ayaga oo ujeedadoodu tahay in ay Somaliland geliyaan Dagaal Sokeeye. Waxaanu leenaay waanu arkaynaa ilmada yaxaaska ee idinka socota inay tahay been, waanu ognahay inaa xoogiinii iyo xoollihiinii isugu gayseen sidaa isugu dhufan lahaydeen labada Reer ee Sacad Muuse iyo Ciidagale ee tariilkhda iyo Deegankaba wadaaga. Habar Yoonis waxaanu leenahay "haday wallaalnimadu idinka dhabtahay waxaa nooga soo gurma lahaydeen Masiibadii Shubanka ee 170 qof ee Ciidagale ku dishay kal hore magaallada Darroor" ee ay nooga soo gurmadeen walaalladayo Sacad Muuse. All muhiim ka dhici mayso Hargeisa bellaayo iyo baas toona. Waana faashil in aad ku shaqaysanaysaan in kooban oo ka mid ah taageerayasha Xisbiga Waddani oo ka soo jeeda Reerkayaga. Ma idiin suura gallayso xisaabta qaldan ee aad isku dhufsateen idinka iyo Shaqaalihii laga caydhiyey Wasaarada ee Saldhiga ka dhigtay Xaafadahayaga.
La soco Qaybaha Danbe
By Fozia Osman
London.