Pakistan:-Malala oo markii ugu horraysay ku laabatay Pakistan

0
Thursday March 29, 2018 - 08:18:34 in by salman abdi
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pakistan:-Malala oo markii ugu horraysay ku laabatay Pakistan

    Gabadha abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ku guulaysatay Malala Yousafzai ayaa ku laabatay Pakistan markii u horraysay tan iyo markii ay toogteen malayshiyada Taliban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadha abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ku guulaysatay Malala Yousafzai ayaa ku laabatay Pakistan markii u horraysay tan iyo markii ay toogteen malayshiyada Taliban.

Gabadha abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ku guulaysatay Malala Yousafzai ayaa ku laabatay Pakistan markii u horraysay tan iyo markii ay toogteen malayshiyada Taliban.

Yousafzai oo hadda 20 jir ah aadna ugu dooda xuquuqda aadanaha ayuu qof hubaysan madaxa ka toogtay iyadoo u ol'olaynaysa waxbarashada gabdhaha sannadkii 2012kii.

Waxaa lagu wadaa in ay kulan la qaadato ra'iisulwasaare Shahid Khaqan Abbasi.

Safarkeeda ayaan la sii shaacinin, sida ay saraakiishu u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Telefeshin Pakistan laga leeyahay ayaa baahiyay muuqaalka gabadhan iyo waalidkeed oo ka soo dagaya garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Benazir Bhutto oo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Gaari wada Malala ayaa Khamiistii lagu sawiray IslamabadLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionGaari wada Malala ayaa Khamiistii lagu sawiray Islamabad

Waxaa lagu wadaa in safarkaasi uu qaado afar maalmood, warbaahinta gudahuna waxay ku warrantay in ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan hay'adda Malala Fund.

Lama xaqiijinin in ay booqan doonto deegaanka uu qoyskeedu ka soo jeedo ee Swat oo ku yaalla dhulka fog ee waqooyiga galbeed.