Ururka Eng Xasan Cali Iyo ASARDA 2 Baan Kala Odhanayaa ? Reer Awdalna Midh Baan Leeyahay . Dr.Khadar-Libaaxley.

0
Friday March 30, 2018 - 11:02:57 in by salman abdi
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Eng Xasan Cali Iyo ASARDA 2 Baan Kala Odhanayaa ? Reer Awdalna Midh Baan Leeyahay . Dr.Khadar-Libaaxley.

    Hay'ada ASARDA waxa aan qabaa in ay tahay hindisihii, horseedkii iyo hirgaliyihii ugu horeeyey ee si kalsooni leh ugu dhiiratay qorshihii iskaa wax u qabso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada ASARDA waxa aan qabaa in ay tahay hindisihii, horseedkii iyo hirgaliyihii ugu horeeyey ee si kalsooni leh ugu dhiiratay qorshihii iskaa wax u qabso

Sooyaal murtiyeed ayaa ahaa:

Istaageerid bay laba gacmood tamar ku yeeshaan

Tiska waxa laqaadaa markay tiiriso bidixdu

Haday midigtu kali taagan tahay

Tiir ma taagteen.


Eng. Xasan cali waxa aan leeyahay xoolaha marka la aroor geynayo haday xayn kamid ah dariiqa ka baydho oo ay fooftagaan, dariiqa
Eng. Xasan cali waa masuul nin farsamo ah oo xaqiiqiya, wuxu taariikh iyo sharfweyn ku leeyahay yagleeshii hay’ada maxaliga ah ee wadooyinka( Awdal) khibrad weyn ayuu u leeyahay naf-hurida dhiska iskaa wax u qabsada ah iyo kan heer qaran maadaama oo uu hore ( tallo ahaan iyo farsamo ahaan intaba) uu uga soo qayb qaatay dhismaha jidadka u dhexeeya ( Borama illaa Ceerigaabo) ayaa lagu soo duwaa si loo aroor geeyo; hawl marka loo kaco in hawl kale laga barbar bilaabo waa khalad weyn oo sidiisa u yaal; jooji doc-wareenka iyo jaah wareerka aad dadka ku furayso; cid waliba wey ka dharagsantahay in baahi weyn loo qabo ( air board) weyn in uu Borama ka dhismo, waanu dhismi doonaa illaahay idankii, hayeeshee tixgalinta waxa leh kala horeysiinta hawlaha iyadoo loo eegayo mudnaanta iyo isticmaalka baahidu inta ay leegtahay, sax waxa ah in dadaalada la mideeyo oo dhan la isugu luga duwado, badi dadweynaha reer awdal waxay u heelan yihiin ( bilaabida iyo dhamaystirka jidka u dhexeeya Borama iyo DJabuuti ) waxa taa calanka u sida dawlada iyo ballan qaadkii madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ay kula ballameen dadweynaha Awdal xilligii ollolaha lagu jiray waliba Buuga xisbigana lagu xardhay; sidaa daraadeed haka hor iman rabitaanka dadka iyo dawlada, ummadana ha marin habaabin.

 

2.Hay'ada ASARDA waxa aan qabaa in ay tahay hindisihii, horseedkii iyo hirgaliyihii ugu horeeyey ee si kalsooni leh ugu dhiiratay qorshihii iskaa wax u qabso ee dhisma wadooyinka ka curtay somaliland markii ugu horeysay ka bilaabmay jidka u dhexeeya (Borama -illaa Dilla) kadibna ka tisqaaday dalka intiisa kale; sirtu maaha magaca ee waa xubnaha maamulka iyo hawl-wadeenada door ba jooga; sidaa daraadeed waxa aan leeyaha : ASARDA hadii xubnaha maanta jooga ee u igman hagida hawlaha aaney gudan karin baaxada hawsha iyo dhabar adeyga loo baahan yahay; hala doono ragii hore ee uu Eng.xasan cali kamid ahaa; balse ugu horeyn hala tijaabiyo oo halala xisaabtamo iyadoo la weydiinayo 7dii sano ee u danbeeyey waxa u qabsoomay maamulka maanta jooga ?!.

3.Dadweynaha Awdal dal iyo dibad ba ( biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa) ha hagranina ee u hagar baxa qaybtiina dadaalada lagu beegsanayo hirgalinta dhismaha jidka u dhexeeya Borama-Djabuuti, horey waxtarkiina waa loo arkay, amaan iyo sharaf baad kuleedihiin waxtarkii hore iyo kuwa la idinka filayo dhanwalba.

Gabgabo:

Dawlada waxa aan leeyahay : Sidii ballan qaadkeedu ahaa Dawlada waxa looga fadhiyaa hirgalinta dariiqaasi rabi haku garab galee; balse ugu horeyn hasoo dhameyso xaal-xaalka iyo inta dariiqa ceerigaabo ka dhiman si aan buuq iyo qayl u bilaabmin.

Dr.khadar -Libaaxley

[emailprotected]

[emailprotected]

Regional political analysts