Shiinaha:-Dawlada Shiinaha oo canshuuro ku soo rogay badeecaha Mareykanka ee dalkaasi la geeyo

0
Monday April 02, 2018 - 09:13:41 in by salman abdi
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha:-Dawlada Shiinaha oo canshuuro ku soo rogay badeecaha Mareykanka ee dalkaasi la geeyo

    Dowladda Shiinaha ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay canshuuro cusub ay ku soo rogtay noocyo badan oo kale duwan oo ah badeecooyinka kaga yimaada waddanka Mareykanka, taas oo uu uga aargoosanayo tallaabadii uu bishii la soo dhaafay Madaxweyne Trump ku k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiinaha ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay canshuuro cusub ay ku soo rogtay noocyo badan oo kale duwan oo ah badeecooyinka kaga yimaada waddanka Mareykanka, taas oo uu uga aargoosanayo tallaabadii uu bishii la soo dhaafay Madaxweyne Trump ku kordhiyay canshuuraha laga qaado alaabaha Shiinaha uu u dhoofiyo Mareykanka.


In ka badan 120 badeeco oo ay ka mid yihiin birta aluumuuniyamka, doofaarka la qalijiyay, looska iyo khamriga lagu kordhin doono canshuuraha laga qaadi jiray oo markii hore aheyd boqolkiiba 15 lagana dhigi doono boqolkiiba 25.

Tallaabadan ayaa imanaysa ka dib markii ay bishii hore xukuumadda Beijing shaacisay inay canshuur dheeraad ah ku soo rogi doonto alaabaha uu Maraykanka dalkaasi u dhoofiyo oo qiimahooda lagu qiyaasay saddex bilyan oo dollar sanadkiiba.

Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadan uu uga gol leeyahay ilaalinta danihiisa ganacsi iyo isu dheelatir baayacmushtarka, ka dib khasaarihii kasoo gaaray canshuur kordhinta alaabaha uu geeyo Maraykanka.

Xukuumadda Beijing ayaa horay u caddeysay inaanay dooneyn dagaal dhanka ganacsiga ah, balse aanay gacmaha laaban haddii la dhaawaco dhaaqalaheeda.

Trump ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in dagaalka ganacsiga uu u wanaagsan yahay, uuna Maraykanka si sahlan ugu guulaysan karo.

Khubarada ayaa ka digaya in haddii ay sii socoto xaaladdan, ay keeni karto in Shiinaha uu canshuur kordhin ku sameeyo shirkadaha Maraykanka ee tiknoolajiyadda sida Apple oo kale, taasina ay sare u qaadi doonto alaabaha ay shirkadahaasi iibiyaan.