Muqdisho:Jawaari Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Farmaajo "Anigu Isma Casilayo, Xukuumadda Iyadaa Gabtay Waajibkeeda Ee Ha Is Casisho"

0
Wednesday April 04, 2018 - 08:07:47 in by salman abdi
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Jawaari Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Farmaajo "Anigu Isma Casilayo, Xukuumadda Iyadaa Gabtay Waajibkeeda Ee Ha Is Casisho"

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yirdhi is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.