Daruurtii Fanka: Sahra Axmed Jaamac....W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Thursday April 05, 2018 - 08:29:49 in by salman abdi
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daruurtii Fanka: Sahra Axmed Jaamac....W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Daruurtii Fanka: Sahra Axmed Jaamac....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daruurtii Fanka: Sahra Axmed Jaamac....

"Daruurtii fankaad siddaa

Diyaaradda keentay iyo
Duniya waad mahadsan tahayā€¯

2007da ayay Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ka soo degtay garoonka Cigaal ee caasimadda Hargeysa. Kolkaas oo ay ka soo laabatay Carriga Ingiriiska oo ay muddooyinkaas ku noolayd Bahweynta fanka iyo dhaqanka ayaa si mug leh u soo dhaweeyay. Xitaa suugaan ayay u curiyeen qaabilaaddeeda. Ereyadii aan fogaal-aragga (TV) ka daawaday waxa ka mid ahaa kuwa aan xagga sare ku xusay.

 

Marka laga yimaaddo heesaha, waxa ay ahayd samafale daljir ah. Sidaas ayaa xiise gaar ah loogu hayay imaatinkeeda. Muddo dheer oo ay saaxadda hoobalnimada iyo jilaannimada ku jirtay waxa ay codkeeda ku qaadday heeso kala geddisan, iyada oo udub-dhexaad u ahayd riwaayado badan.

Waxa aanu 17kii Mey 2009ka ku kulannay Hargeysa Club annaga oo Wasaaraddii Dhaqanka iyo Dalxiiska kala qayb ka ahay diyaarinta Munaasibaddii 18ka Mey ee lagu qabanayay Beerta Xorriyadda iyo Qasriga Madaxtooyada. Waxa wasiir ka ahaa Cabdirisaaq Waaberi Rooble

Maanta ayay Sahra Axmed Jaamac ku geeriyootay magaalada Hargeysa.. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Ubadkeedii, qoyskeedii, jaalkeedii iyo ummadda Soomaaliyeedna Eebe samir iyo iimaan run ah ha ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

W/Q Siciid Maxamuud Gahayr