Hindiya:-Maxkamad Dambi Ku Heshay Jilaaga Filimada Hindiga Ah Ee Salman Khan

0
Thursday April 05, 2018 - 13:29:37 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya:-Maxkamad Dambi Ku Heshay Jilaaga Filimada Hindiga Ah Ee Salman Khan

    Xiddiga caanka ah ee aflaanta Hindida jila Salman Khan ayaa lagu helay dembi ah in uu ugaadhsaday nooc ka mid ah deerada oo aad u tiro yar xilli uu filim jilayey 1998dii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga caanka ah ee aflaanta Hindida jila Salman Khan ayaa lagu helay dembi ah in uu ugaadhsaday nooc ka mid ah deerada oo aad u tiro yar xilli uu filim jilayey 1998dii.


Salman Khan ayaa dilay mid ka mid ah xayawaankan sida aadka ah loo ilaaliyo mar uu filim ku jilaayey Waqooyiga gobolka Rajasthan.


Salman Khan ayaa laga yaaba in uu wajaho xukun xabsi ah oo noqon kara hal ilaa lix sano, balse jilaagan ayaa haysta fursad ah in uu racfaan ka qaato xukunkan.Afar ka tirsan jilayaashii filimkaas ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi iyadoo markii dambana maxkamad ku talla magaalada Jodhpur ay cafis u fidisay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002dii lagu eedeeyay in uu horay gaari mariyey nin hoy la'an ah oo meel bannaan jiifay iyadoo arrintaa la soo gabagabeeyey bishii disembark 2015kii.

 

Tani waxay noqonaysaa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanadka isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.

 

Sources:BBC Somali