Muqdisho:- Tartanka Orodka gaaban Mini Marathon oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tartanka oradka gaaban Mini Marathon oo ay ka qeybgaleen 500 oo Orod-yahay oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in taranka uu noqonayo uu qeyb ka noqonayo munaasabada maalinta Nabada iyo Sprotiga Aduunka oo sida ay hadalka u dhigtay ay noqoneyso markii Labaad oo Muqdisho laga maamuuso tan iyo markii ay xilka la wareegeen.
Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan Wasiirrada Cayaaraha dowlad gobolleedyada dalka, waxaana ay sheegtay Wasiirka in dalka oo dhan laga hergalin doono mashruuc lagu hormarinayo Sportiga dalka.
Cabdi Bili Cabdi oo ah halyeey Soomaaliyeed oo caan ka dhax ah bahda Sportiga ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in uu arko tartankan oo kale.
‘’Anniga oo caasimada Muqdisho in ka badan 30 sano ka maqnaa in aan maanta taaagannahay Daljirka Dahsoon farxad ayeey ii tahay, waxaan u mahad fikirka wanaagsan iyo dadaalka wasaaraddu Cayaaraha galisay hormarinta Sportiga’’ ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.
Tartankan oo ka bailaabanayay KM4 ayaa ku soo gabagaboobay Daljirka Dahsoon, taa oo macnaheedu noqonayo in dhalinyaradan ordayeen 4km, iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay Nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Cali Iidoow kaa oo la guddoonsiiyay bilid Dahab ah halka kaalinta Labaad iyo saddexaad dhalinyarradii gashay la guddoonsiiyay Bilado kala duwan.
Muqdisho:- Tartanka Orodka gaaban Mini Marathon oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Muqdisho:- Tartanka Orodka gaaban Mini Marathon oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.