Wararka Caalamka:Xabsi 12 Sano ah oo Manta U Bilaabmaya Madaxwaynihii Hore Brazil iyo Jacob Zuma Oo Loo Haysto Musuq Maasuq uu Sameeyey 1990 +18 Dacwadood oo ay wajahayso Madaxweynihi hore Kuuriyada Koonfureed
Madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva lagu amray inuu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha maanta si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq lagu helay.
Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday.
Former Brazilian president Luiz Inacio Lula da Silva reacts as he attends a meeting with members of the Workers Party (PT), that decided Lula da Silva will be its candidate again in the 2018 election, despite losing an appeal against a corruption conviction that will likely bar him, in Sao Paulo, Brazil, January 25, 2018. REUTERS/Leonardo Benassatto NO RESALES. NO ARCHIVES
Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago inuu doorashada madaxweynaha u tartamo bisha Oktoobar.
Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika.
Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay "Xabsi khaas ah” kaasoo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa.
Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo.
Madaxwaynihii Hore ee Kuuriyada Koonfureed oo Wajahaysa 18 Dacwadood oo Musuq La Xidhiidha
Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa lagu helay dambi ah in ay ku takrifashay awoodda iyo dambiyo kale, waxaana xukunka maxkamada si toos ah looga baahiyay warbaahinta.
Waxay wajahaysaa 18 dacwo oo wax isdabomarin ah, go’aanka maxkamadda ayaa wali socda xukunka kama dambaysta ahna waxaa la filayaa saacado ka dib.
Fadeexadda soo wajahday madaxweynihii hore ayaa ruxday Kuuriyada Koonfureed, waxayna hurisay caro ka dhan ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada caanka ah.
Park ayaa diiday in ay wax khalad ah gaysatay, balse waxay wajahaysaa 30 sano oo xabsi ah iyo lacag ganaax ah oo badan.
Madaxweynihii hore ma aysan soo xaadirin maxkamadda marka ay jeedinaysay go’aanka.
Maxkamadda ayay isaga joogtay waxayna ku eedaysay in ay ka xaglinayso.
Xukunka maxkamadda ayaa si toos ah loo baahiyay Jimcihii, arrintaas oo ahayd mid aan horay loo filaynin ayaa dhalisay xiiso badan oo ay dadku muujiyeen si ay ula socdaan.
Jacob Zuma Oo Loo Haysto Musuq Maasuq uu Sameeyey 1990.
Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa maanta la soo taagay maxkamada ku taalla magaalada Durban isaga oo loo haysto dacwado la xidhiidha musuqmaasuq oo ku saabsan heshiis dhanka hubka ah oo la saxiixay 1990.
Dhagaysiga maxkamadda oo soctay muddo kooban ayaa garsooraha waxa uu sheegay in kiiska dib loo dhigay ilaa 8 bisha June.
Dacwadahani ayaa galaaftay madaxwaynanimadiisii balse dib loo soo celiyay 2016.
Waxa uu wajahayaa 16 dacwadood oo la xidhiidha falal musuqmaasuq sida wax isdabamarin dhanka heshiisyada ah, khiyaano iyo in uu lacago u kala gudbiyay si sharci daro ah.
Mr Zuma,oo bishii February,lagu qasbay in uu xilka ka dago ayaa beeniyay in uu wax qalad ah galay.
Zuma oo 75 jir ah ayaa maanta oo Jimca ah hortagay maxkamada isaga oo dhoola cadeynaya islamarkana gacanta u haadinaya taageerayaashiisa, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Wariyaha BBC Andrew Harding ayaa sheegay in madaxwaynihii hore uu maxkamada qudhiisa soo istaago isaga oo loo haysto falal musuqmaasuq ay tahay "mid aad u wayn ” dimuqraadiyada hanaqaadaysa ee Koonfur Afrika.
Dad badan ayaa u arka sida uu wariyuhu sheegay in uu dhamaaday waqtigii isla xisaabtamid la’aanta.
Mr Zuma iyo kooxdiisa dhanka sharciga ayaa ku adkaysanaya in dacwadahani ay yihiin kuwa la siyaasadeeyay.
Muxuu ahaa heshiiska Hubka?
Mr Zuma waxa uu ahaa madaxwayna ku xigeen markii la galayay heshiiska hubka oo imika laga joogo muddo toboneeyo sano ah.
Waxa lagu eedeeyay in uu laaluush ka qaatay shirkad Faransiis ah o hubka iibisa oo lagu magacaabo Thales via isaga oo u sii maraya la taliyihiisa dhanka dhaqaalaha ee xilligaasi.
La taliyihiisii hore , Schabir Shaikh, ayaa lagu helay dambi ah in uu isku dayayay in uu laaluush qaatay waxaana xabsiga la dhigay 2005.
Kiiskan ka dhanka ah Mr Zuma ayaa daaqadda laga tuuray wax yar uun ka hor inta uusan madaxwaynanimada u tartamin 2009.
Hogaamiyayaasha kale ee Afrika ee maxkamad la soo taagay.
Charles Taylor – madaxwaynihii hore ee Liberia waxaa la soo taagay maxkamad gaar ah isaga oo lagu soo oogay dacwad ah dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadnaha.
Hissene Habre – madaxwaynihii hore ee Chad (dambiyo ka dhan ah aadanaha)
Tamrat Layne : Raisul wasaarihii hore ee Itoobiya (waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq)
Laurent Gbagbo – madaxwaynihii hore ee Ivory Coast (maxkamadda ICC,ayaa la soo taagay ka dib rabshadihii doorashada ka dambeeyay.
Hosni Mubarak – madaxwaynhii hore ee dalka Masar (waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriiray xasuuq , musuqmaasuq iyo wax isdabamarin)
Pasteur Bizimungu – Rwanda (waxaa lagu soo oogay dacwad ahayd kicin dad wayne , naceyb iyo wax isdabamarin)
Frederick Chiluba: Zambia (waxaa lagu soo oogay dacwad ahayd musuqmaasuq iyo xatooyo)
Wararka Caalamka:Xabsi 12 Sano ah oo Manta U Bilaabmaya Madaxwaynihii Hore Brazil iyo Jacob Zuma Oo Loo Haysto Musuq Maasuq uu Sameeyey 1990 +18 Dacwadood oo ay wajahayso Madaxweynihi hore Kuuriyada Koonfureed
Madaxwaynihii Hore ee Kuuriyada Koonfureed oo Wajahaysa 18 Dacwadood oo Musuq La Xidhiidha + Xabsi 12 Sano ah oo Manta U Bilaabmaya Madaxwaynihii Hore Brazil iyo Jacob Zuma Oo Loo Haysto Musuq Maasuq uu Sameeyey 1990.