Muqdisho:- Faah faahin Dheeraad Ah Labo Qarax oo Goor Dhawayda Muqdisho ka dhacay.

0
Friday April 06, 2018 - 15:58:57 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:- Faah faahin Dheeraad Ah Labo Qarax oo Goor Dhawayda Muqdisho ka dhacay.

    Somalia:- Faah faahin Dheerada Ah Labo Qarax oo Goor Dhawayda Ka Muqdisho ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Faah faahin Dheerada Ah Labo Qarax oo Goor Dhawayda Ka Muqdisho ka dhacay.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay maanta xiligii Salaada duhurkii ee Muqdisho meel gaadiidka lagu baaro oo ah waddo gasha garroonka dayuuradaha ee Aaden Cadde.

Wax yar uu kaddib markii uu qaraxaasi dhacay ayaa la maqlay jugta qarax labaad oo ka dhacay bar kontorool oo ku taalla agagaarka isgooyska Banaadir.

Qaraxan danbe ayeey wararku sheegayaan in dhacay kadib makrii ciidanku ay rasaaseeyeen baabuur ay ka shakiyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga ay saarnaayeena ugu yaraan saddex qof kuwaa oo isku dayey in ay xoog ku maraan kontoroolka.

Ciidamada ayaa toogtay raggii saarnaa gaariga, kadibna waxaa qarxay baabuurka. Goobta waxaa sidoo kale ku dhintay laba askari oo ka mid ahaa ciidamadii halkaa ku sugnaa.

Qaraxa ka dhaca waddada gasha garoonka diyaarada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa halka labo Askarina ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan oo dhan ayaa imanaya xili amaanka magaalada Muqdisho sare loo qaaday saddexdii cisho ee la dhaafnayna inta badan magaalada uu aad u yaraa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gadiidka.